Boqorka Bollywoodka ninka ay dhahaan kasii ah Shah Rukh Khan ayaa doonayaa inuu sii wanaajiyo xiriirka ka dhaxeya isaga iyo dagaal-yahanka Bollywoodka atoorihii la dhahaayey Sunny Deol waxuuna rabaa inuu soo afjaro khilaafkii Darr kasoo bilawday.

Xili hore ayee horta ka heshiyeen dagaalkaa Darr labadan atoore kudhexmaray oo waatii aan ogeyn in Sunny Deol qiyaano lagu sameeyay doorkiisa SRK iyo Yash chopra na uu wax ka tabanaayey si kastee ahaataba mar dhexe ayee wada heshiyeen goob xaflad ayagoo isku habsiinayaan ayaana la arkay.

Hadaba Khan ayaa doonayaa Sunny Deol inuu caawinaad u fidiyo waxuuna iibsaday xuquuqda Filimka Damini ee Sunny 1993 sameeyay sababtana waxay tahay Deol ayaa doonayaa inuu mashruucan dib u sameeyo wiilkiisana shaashadaha dib ugu soo celiyo.

Karan Deol Filimkiisa kowaad ee Pal Pal Dil Ke Paas Box-office-ka wuu ku fashilmay inkastoo qaab jiliinkiisa la amaanah sidaa aawged Sunny ayaa wacad ku maray inuu wiilkiisa guusha Bollywoodka dhadhansiin doono waxuuna doonayaa hader inuh dib u sameeyo Damini.

Damini waa Filimkii Sunny Deol ku qaatay abaal marinta National Award door caawin ayuuna kulahaa waxaana la jileen Rishi Kapoor iyo Meenakshi Shesatri hadaba SRK markuu ogaaday sheekads ayuu iibsaday xuquuqda Damini waxuuna la kulmay Sunny Deol una sheegay inuu ka caawinaayo hormarka wiilkiisa Karan Deol isagoo shirkadiisa kusoo saarayo ama ay maalgalin doonto Filimkaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here