Home » Nolosha Jilaayaasha » Shah Rukh Khan Filmkiisa Zero Ayaa Dagaal Weyn La Gali Doono Anupam Kher FIlmkiisa The Accidental PM!

Shah Rukh Khan Filmkiisa Zero Ayaa Dagaal Weyn La Gali Doono Anupam Kher FIlmkiisa The Accidental PM!

Sanadkan Bollywoodka iskudhacoda aflaamta wuu batay ayadoo aan horey u ogeyn in Akki iyo John aflaamtoda 15 Aug 2018 isku dhici doonan ayaa hadana waxaa meesha soo galay 2.0 oo jawigii Bollyuwoodka qasay maadama 29 Nov tiyaatarada la saari doono.

Hadaba isku dhac kale oo horey loo saadaliyay ayaa hader rumoway waana Zero Vs The Accidental Prime Minister.

Zero waxaa hogaamiye ka ah Shah Rukh Khan, Anushka Sharma iyo Katrina Kaif waana film weyn oo la daawan doono 21 bisha Dec 2018 hadaba rugcadaa Anupam Kher ayaa doonaya inuu SRK Box-office-ka kula dagaalamo.

Kher waxuu mashruucisa ku jilaa nolosha Manmohan Singh kaaso ahaa wasiir dowlihii hore India balse qaab Raiisul wasaare oo kale bulshada ugu adeegayay wax badan u qabsoomeen.

Anupam Kher ayaa baraha bulshada ku shaaciyay arinkaan ayado markii hore qayaas iyo warar xan ah uun lagu ogaa in filmkaan iyo Zero isku dhici doonan balse hader shaki la’aan wey isku dhacayaan maadam Anupam sheegay in la daawan doono 21 Dec 2018.

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *