
Nidaamka kala saarista awoodaha jilaayaasha waxay shabakada BOI isku raac siisaa toban sano kasto sidaa darteed 10-kaan sano (2010 ila 2019) haatan gabo gabo ayuu yahay waana muhiim inaan idinla wadaagno atoorayaasha awooda leh dhibcaha ay heestaan.
Sidee BOI ku qiimeysaa dhibcaha ay bixiso: waxay ku qiimeysaa aflaanta guulaha gaaraan oo dhibco gaar ah lagu xeen daabo sida xeerka yahay hoos kaga bogo:
All Time Blockbuster – 750 dhibcood ayaa lagu helaa
Blockbuster – 500 dhibcood ayaa lagu helaa
Super Hit – 250 dhibcood ayaa lagu helaa
Hit – 100 dhibcood
Haddaba waxaan idiin heynaa SRK iyo 10-kan sano dhibcaha uu heesto wadarta guud Star Power Point System waxaa loo yaqaano.
All Time Blockbuster 0-filim
Blockbuster 1-filim (Chennai Express) – 1×500 = 500 dhibcood.
Super Hit 1- filim (Happy New Year) – 1×250 = 250 dhibcood.
Hit 4-filim (My Name Is Khan, Ra. One, Don 2, Jab Tak Hai Jaan) – 4×100 = 400 dhibcood.
Wadarta Guud dhibcaha uu SRK heesto 10-kaan sano (2010-19) – 1150 dhibcood.
F.G: SRK sanadkan wax filim ah uma harsano marka Star Power kiisa dhibcaha 10-kan sano (2010-19) sidaan ayuu ku dhameesan doonaa.
Gunaanad: Shabakada BOI waxay dhibco ku bixisaa marka uu filimka HIT dhameestiran noqdo (Hit, Super Hit, Blockbuster & All Time Blockbuster) waa marxalada filimka macaash looga helo.
La soco Varun Dhawan iyo dhibcaha uu heesto 10-kaan sano (2010-19).