Bollywood King Khan ayaa ka hadlay hadii ay jirto xaalad dareensiin karto maanta inuu yahay jilaa aan is hubin oo mustaqbalkiisa fanka Hindiya culees soo wajahay.

Shah Rukh Khan dood kama taagno inuu ka mid yahay Super Stars-ka ugu weyn aa ee ebid Hindiya soo maray (one of the BIGGEST Superstars of all time) kaasi oo sameeyay filimo badan oo iskooro lixaad leh dhigeen sidoo kalena Blockbusters waa weyn noqdeen.

Hadaba SRK waxaa saaran culees madaama filimadiisii ugu dambeeyeen (DilwaleFanDear ZindagiRaees) aysan Hit dhameestiran noqonin halka labada Khan ee kale sameenayaan haatan aflaan Blockbuster ah ah sida Salman Khan iyo Aamir Khan.

SRK ayaa wareysi siiyay wargeska DNA wuxuuna ka hadlay arimaha ku aadan in Super Star-kaan culees xoogan saaran yahay wuxuuna ku jawaabay “Waligey ma noqonin qof aan is hubin ama noloshiisa fanka halis ku jirto, mudo dheer ayaan ganacsigaan kusoo jiray”

“Atoorayaasha iyo filimada waa sida biyaha oo kale, marwalbo heerkooda ayay gaari karaan inay sare u kacaan ama hoos u dagaan”

“Waxaan ku jiraa fanka Hindiya mudo 25-sano ah waligey filim uma sameynin ujeedo ka duwan mida ah inaan dadka mada daaliyo sidoo kalena aan farxad galiyo”

“Aniga waxaan qabaa fikir ahaan hadii dadka aysan ka heli laheyn filimadeda maba sameyn laheyn filimo dheeraad ah oo marhore ayan iska joojin lahaa sidaa darteed shaqadii aan soo qabtay oo dhan waa laga wada helay mar hadii aan rubuc qarni fanka Hindiya Hindiya ku jiro”

“Hadafka ugu weyn ee aan filim ka leeyahay waxay tahay ma badali karaa dareenkaaga labada saac iyo barka ee aad shaashada daawaneysid kadibna aad dhihi kartid waana ka helay fariintaan ama waan naqdiyay”

“Waxaa jiraan filimo ganacsi liito sameenayaan iyo kuwo ganacsi heer sare ah sameenayaan anigana waxaan caan ku ahayd inaan u badanahay sameynta filimo tayo wanaagsan oo ganacsi heer sare ah sameeyaan”

“Waxaa jireen kuwo 22-sano ka hor dhahayeen fankaaga masii socon doono marka maanta lama yaabi doono hadii ay jiraan dad aragti ahaan qabaan inuu culees gaar ah i saaran yahay”

“Aniga waxaan jeclahay in filimadeyda guuleestaan dadkana ka helaan hadii midaas aysan dhicin waan ka murugoodaa sidoo kalena dadaal dheeri ah ayaa bixiyaan si qaladkii shalay aan dib u saxo”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here