Bollywood King Khan ayaa la warinayaa in uu dab qabsaday meel udhow gurigiisa shalay waliba dhismo kasoo horjeeda aqalkiisa Mannat ee xaafada Bandra ayuu dabkaan ka kacay waana magaalada Mumbai.

Dabkaan ayaa waxyeelo badan geestay waxaa la sheegay inee hal qof oo dumar ah ki geeriyootay balse tiro dad badan ah ayaa dhaawacan oo haween u badan misane jirkoodaa si xun u gubtay.

Dhanka Shah Rukh Khan wuu nabad qabaa inkastoo jamaahiirtiisa aad oga naxeen markee arinkaa maqleen hadana waxaa la xaqiijiyay inuu caafimaad qabo inkastoo dabka udhowaa dariskiisa ahaa hadana isaga iyo gurgiisaha iyo waliba qoyskiisa waxba masoo gaarin.

Dhanka shaqada wali xidigaan ma uusan ku dhawaaqin mashruuciisa xiga waxaana la sugaya xiliga uu ku dhawaaqi doono wararka xanta waxay sheegayaan in Kajol ama Kareena uu Filimkiisa xiga la sameeyn doono halka Rajkumar Hirani Director ka noqon doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here