Shakira waa mid kamid ah fanaaniinta iyo heesayaasha dunida ugu caansan intaas waxaa sii dheer inee xidigtaan Dance-ga ku wacantahay heesaheeda dunida qabsadeen xiliyo kala duwan waxaa kamid ah “Hips don’t lie”,”Waka Waka”, “Chantaje” iyo kuwa kale oo badan.

Dhowaan ayee bandhig ka jeedisay xaflada Super Bowl 2020 oo siweyn loogu soo daawasho tagay iyada aawged Bollywood King Khan Aka Shah Rukh Khan oo bandhigan daawanaayey ayaa aad ula dhacay ciyaarta Shakira iyo bandhigeeda.

Shah Rukh Khan goes gaga over Shakira's Super Bowl performance; calls her his 'all-time favourite'

Xalay ayuuna Twitter-kiisa kusoo qaatay isagoo aad u ammaanay xidigtaan waxuu yiri,”bandhig cajiib ah, shaqo adag iyo madadaalo dhameestiran ayaad la timid Shakira waxaan kuu ahay taageero qaas ah aad iyo aad ayaa oga baxsatay in badan.”

Khan ayaa qoraalkiisa kuxusay inuu taageero weyn u yahay Shakira sido kale hada kahor mudo sanado laga joogo Shakira ayaa iyadan sheegtay inee taageero weyn utahay SRK ninka kaliya ay aflaamtiisa daawatana India oodhan isaga yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here