Bollywoof King Khan Aka Shah Rukh Khan wuu soo noqday waxaana soo helnay warar aan rasmi ahen balse laga helaayo dad ka akdhow jilaaga Shah Rukh Khan warkaaso ah in SRK Filim jaceyl la imaan doono 2021.

Xidigaan ayaa mudooyinkaanba wax Filim ah kudhawaaqin wararka maalmahan la isla dhexmaraayo ayaase sheegayaan in King Khan Filim cusub la saxiixanaayo agaasime Rajkumar Hirani oo waligiisba jeclaa inuu Khan Filim u sameeyo.

Filimkaan waxaa la sheegay inuu yahay mashruuc jaceyl ah arinka xiisaha leh ayaa ah in Hirani ka fikiraayo miduu SRK atiriisho oga dhigi lahaa Kajol iyo Kareena Kapoor goordhow ayaana lagu dhawaaqi doonaa atiriishada SRK Filimkaan la sameeyn lahed iyo guud ahaan mashruucan xogtiisa.

Kajol waxay SRK la sameysay 7 Filim oo guulo waaweyn gaareen sida DDLJ, Baazigar, Karan Arjun, Kuch Kuch Hota Hai, KG3 My Name Is Khan iyo Dilwale marke waa loo badinayaa ine markale Khan shaashada jaceyl kula jili doonto.

Dhanka kale Bebo iyadana SRK wey lasoo shaqeysay waxay la sameysay Filimada kala ah Ra.One, Don, Asoka iyo KG3 waxaana la filaa inee markale Kareena shaashada jaceyl kula jili doonto Mr.Khan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here