Bollywood King Khan Aka Shah Rukh Khan waa atooraha loogu jecel badan yahay caalama in sawir Selfie ah laga qaato maadama uu noqday atoorayaasha caalamka midka ugu caansan iyo atooraha ugu shacbiyada badsn Twitter-ka ee India kasoo jeeda.

Sidaas ay tahay Khan isaga qudhiisa waxaa jiraan xidigo uu ka helo taageerana u yahay inuu sawiro Selfie ah lagana uu jecel yahay waana sababta uu Selfie taariikhda xusi doonto ula galay halyeeyda Hollywood ugu caansan qaar kamid ah Van Damme iyo Jackie Chan.

Magaalada Riyadh ee dalka Saudi Arabia xaflad lagu qabtay ee bandhig faneed ahed ayaa waxaa ku kulmeen xidigo caan ah seddexda Superstars ee sawirkooda internet-ka gil gilay ayaa kala ah Jean Van Damme iyo Jackie Chan.

King Khan si deg deg ah ayuu internet-ka usoo dhigay daraad sawirka sare idiin kaga muuqda markuu la galay xidigahan waxuuna soo raaciyay qoraalka ah,” waa sawir ay ku midooweyn Khan (SRK), Damme (Van Damme) iyo Chan (Jackie Chan) aniga ayaa ah midka ugu farxada badan maadama geesiyaasheyda aan Selfie la wadaagay intii aan ku sugneen Riyadh.”

Dhanka shaqada King Khan wax filim ah wali ma saxiixanin waxaase la sugayaa bisha Nov inuu mashruuc cusub saxiixdo waxuuna sheegay inuu maskax ahaan isku diyaarinaayo filimkiisa xiga soona nasanaayo in mudo ah waxaana la filaa 2020 inuu soo noqon doono xidigaan loo wada xiisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here