Atoore u dhashay waddanka Malaysia ayaa billad loo guddoonsiiyay inuu ku guuleystay jilaaga ugu fiican dalkiisa waxa uu u hibeeyay atooraha caanka ah ee reer Hindiya, Shah Rukh Khan, sheekadan ayaana soo jiidatay xidigga shirkada filimada ee Bolywood-ka.

Muhammad Khan, oo ka hadlayay fagaarihii uu billadda ku hantay, oo dadweyne farabadan ay buuxeen, ayaa mahadcelin gaar ah siiyay Sharukh Khan, wuxuuna sheegay in jilaaga lagu naaneyso “boqorka bollywood” uu ahaa sababtii uu atooraha ku noqday.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan u mahceliyo, atooraha kaliya ee aan taageero, Boqor Khan, Shah Rukh Khan run ahaantii waxaad ahayd sababtii keentay inaan anigu ku fikiro inaan noqdo atoore. Markii aan 10 sano jir ahaa ayaan qaatay go’aankaas. Sidaas darteed, caawa waxaan jeclaan lahaa inaan abaalmarintan kula wadaago adiga, waxaana rajo ka qabaa inaan mar uun kula kulmo doono”.

Muhammad ayaa markaas ka dib hees hindi ah u qaaday Sharukh Khan, wuxuuna mararka qaar ku hadlayay luqadda Hindiga.

Kumannaan qof ayaa muuqaalkiisa ku baahiyay baraha bulshada, ilaa ugu dambeyn uu arkay King Khan.

“Aad baan ugu faraxsanahay guusha aad gaartay. Mar dhow ayaan kula kulmi doonaa. Noloshu hakuu wacnaato, siina wad dareenkaaga ku aaddan dhinaca jilliinka. Waan u mahad celinayaa dhammaan dadkii isoo gaarsiiyay arrintan”, ayuu yiri Sharukh Khan oo wareysi sii naaya ZTV

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here