Bollywood Mr.Prefectionist Aka Aamir Khan muran badan ayuu dhexda ka galay xiliyo kala duwan waayihiisa fanka hindiya intuu ku guda jiray balse tii ugu darneed waxay ahed sanadkii 2008 markii uu ku hadlay hadal aduun weynaha la yaabeen ilaa maantadana dad badsn xusuusan yihiin.

Aamir ayaa sanadkaan dhahay “Shah Rukh lugaha ayuu ii leefaya waqtigaan” hadalkaan oo uusan wax sharaxaad raacinin waxuu gaaray malaayin dad ah oo layaaben xitaa dad aan SRK taageero u ahen ayaa ka caroodeen hadalka Aamir balse markuu arkay xidigaan in oraahdiisa in badan laga falceliyay ayuu jawaab kale soo diray.

Waxuu dhahay,”aniga ereyga Eey ee aan isticmaalat qof gaar ah kuma weerarin qofna ma aflagaadeynin ee wax hubsada aniga waxaan ka hadleyga eey gurigeena jooga guriga cusub ee aan iibsaday waxaa joogeen eey ilaaliyo hadaba eeygas guriga aan iibsaday ayuu la socday.”

“Magaciisa waa Shah Rukh sidaas ayaana udhahay Shah Rukh ayaa lugaha ii leefaya oo aan ula jeedo eey guriga inoo jooga ayaa lugaha ii leefaya waxaan filaa inaad hader fahanteen inaan qof gaar ah si kutalo gak u aflagaadeynin.”

SRK ayaa dhowr maalmood kadib saxaafada weydiisay isla sanadkaas inuj ka carooday hadalkii saaxiibkiis Aamir iyo inkale waxuuna yiri jilaagan,”aniga waxyaabahas oo kale kama caroodo dhab ahaantii waanba ku madadaala oo waannku qoslaa markaan maqlo.”

“Waxaa macquul ah saaxiibadey in kaftankeyga xanuujiyo ayagana si lamid ah kaftankooda inuh i xanuujiyo ayee isku dayaan laakiin iyaga ma ogaan inaan aniga kaftan oodhan ka caroonin.”

SRK ayaa si sarbeeb ah fariin ugu diray isla sanadkaan saaxiibkiis Aamir oo xifaaltan xoog leh ka dhaxeyn jiray xiliyadaas Aamir Iyo Salman si weyn ayee ula dagaalami jireen SRK aflagaado ha noqoto ama xifaaltan shaqo waxaana xusid mudan in isla sanadkaas ay isku gacan qaadi lahaayen Salman Khan balse xaalka seddexdaas Khans waqtigaan waa meeshii ugi fiicna iyo saaxiibo is xushmeyaan misane odoyaal noqdeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here