Home » Nolosha Jilaayaasha » Shah Rukh Khan Wuxuu Iska Diiday Dib Usameynta Filimka Koonfur Ee Vikram Vedha Kaaso R.Madhavan Hogaamiyey!!

Shah Rukh Khan Wuxuu Iska Diiday Dib Usameynta Filimka Koonfur Ee Vikram Vedha Kaaso R.Madhavan Hogaamiyey!!

Horey waxaan u aragnay aflaam badan oo koonfur ah kuwaaso Bollywoodka ay dib usameyeen hadana badankooda guulo lixaad leh gaaren sheeko ahaan iyo ganacsi ahaanba.

Waxaa filimadaas kamid ahayen sida Wanted, Drishyam, Holiday, Rowdy Rathore and Singham, hadaba sheekada halkaas kuma eka.

Sanadka xiga ee 2018 waxaana arki doona Ranveer SIngh oo keeni doono filimka Temper ee koonfurta ah kaaso sheeko ahaan iyo ganacsi ahaanba guul lixaad leh gaaray asigoo Bollywood aha ayuu xidigaan sameyn doona.

Sidaa awged Bollywood King Khan Aka Shah Rukh Khan ayaa iska diiday dib usameynta filimka R. Madhavan ku farayarestay qaab jiliin ahaan ee Vikram Vedha.

SRK wuxuu daawaday doorka R.Madhavan ee filimkaan aad ayuuna oga helay sida uu Gangster nimada u matalay xidigaan sido kale R.Madhavan dhankiisa wuxuu rabay in filimkiisa SRK dib usameyo asigoo Bollywood ah.

Balse SRK wuu iska diiday sababto ah wuxuu kufikiray inuu yahay mashruuc aanan sahlaneyn dib usameyntiisa sido kale sheekada filimkaan markuu daawaday wuxuu daremay in qaab ahaan is shabahaan filimkaan iyo filimkiisa Fan ee uu sanadkii hore sameyay waana sababta kaliftay in King Khan iska diiday mashruucan.

 

2 Responses to Shah Rukh Khan Wuxuu Iska Diiday Dib Usameynta Filimka Koonfur Ee Vikram Vedha Kaaso R.Madhavan Hogaamiyey!!

  1. azad caraale

    December 2, 2017 at 4:21 pm

    zxp flimka rowdy rathore kee laga soo sameeyay ama waa flimkii flumka isagoo koonfura laga kenay

    • Ali Aadan

      December 2, 2017 at 6:35 pm

      sxb filimkaas waxaa la dhahaa Vikramarkudu waxaana hogaamiye ka ah Ravi Teja iyo Anushka Shetty 2006 ayaana la daawaday waana film Telugu ah Akkina sanadkii 2012 ayuu asigoo Hindi ah dib usameyay