Shah Rukh Khan waxay taageereyaashiisu u garanayaan naaneysta King Of Romance maadaama aflaantiisa uu kusoo bandhigo jilliin xambaarsan dareen jaceyl oo aan caadi aheyn – waxaana la sheegaa in aysan jirin cid derejadaas kula tartami karta marka la joogo shirkadda Bollywood Industry.

Laakiin marka laga hadlayo nolosha dhabta ah, SRK waa aabe si dhab ah uga taxadara reerkiisa isla markaana aan ilmihiisa ku dhiirrigelin akhlaaq xumada, wuxuuna dhalay seddax caruur ah Aryan, gabadhiisa Suhana iyo wiilka yaraanka u ah AbRam.

SRK ayaa hadda ka hor wuxuu sheegay inuu faruuryaha ka jari doono wiil walba oo isku daya inuu shumiyo gabadhiisa Suhana isagoo la hadlayey barnaamjika Koffee With Karan.

Laakiin dhowaan wareysi lala yeeshay, Shah Rukh Khan ayaa waxaa lagu weydiiyey su’aal caksi ku ah jawaabtii uu xilligaas bixiyey – waxaana la weydiiyey waxa uu sameyn doono haddii wiilkiisa Aryan uu gabar shumiyo?

Waxaana lagu yiri maadaama aad faruuryaha ka jareyso wiilka shumiya gabadhaada Suhana, sidee ayaad u falcelineysaa haddii uu Aryan gabar shumiyo?

SRK ayaana ku jawaabay: “Faruuryaha ayaan ka jari doonaa Aryan, sababtuna waxay tahay maadaama aan ahay nin akhyaar ah gabar faruuryaha kama jari karo (Ka dibna wuu qoslay).

“Sababta aan faruuryaha uga jarayo Aryan ayaa waxay tahay inaan ahay aabe gabar dhalay kaasoo dareensan in aysan aheyn wax wanaagsan in gabadhaha la taabtaabto”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here