Wali Filim uu Shah Rukh Khan hogaamiye ka yahay laguma dhawaaqin taageerayaashiisana dhagta ayaa u taagan war walbana indhaha ayee ku hayaan sidee u ogaan lahaayen mashruuca xiga ee King Khan balse Karan Johar ayaa shaaca ka qaaday in Khan muuqaal marti ah kulahaan doono Filimka Brahmastra.

Ranbir Kapoor, Alia Bhatt, Amitabh Bachchan, Nagarjuna, Mouni Roy iyo kuwa kale ayaa jilayaan mashruucan December 2020 ayaana la daawan doonaa waxaana shaaca laga qaaday in SRK muuqaal marti ah kulahaan doono.

Marka intaas laga soo tago Badshah of Bollywood waxaa la isla dhexmaraa inuu door muhiim ah kulahaan doono Filimka Shershaah ee Karan Johar qarash gareeyaha ka yahay waxaana hogaamiyaal ka ah Sidharth Malhotra iyo Kiara Advani.

Filimkaan waxaa looga hadlayaa nolosha kabtan Vikram Batra oo ahaa kabtan ciidanka Military-ga waxaana ka gudoonsiitay bilada geesinimada ee muwaadin India la siiyo waana bilada ugu sareyso uguna qiimaha badan kadib markuu geesinimo ka muujiyay dagaalkii India 1999 gashay ee la magac baxay Kargil War.

Sidharth ayaa laba door kujilaayo mid uu Kabtanka iska dhigaayo iyo mid kabtanka walaalkiis uu kujilaayo kaaso mataano la ah sido kale Kiara kabtanka gacalisadiisa ayee kujilee Filimka hakka SRK door kooban ku leeyahay oo uu Kabtanka (Sidharth) waqti kula qaadanaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here