Shah Rukh Khan iyo Kajol waxaa loo aqoonsaday atoore iyo atiriisho Filim isla sameyaan kuwii ugu caansanaayeen ama loogi jeclaa dhanka shaashada (Best Jodi ever) wada shaqeyntoodana bilawgii 90-maadkii ayee soo bilaawatay.

Waana labo jilaa saaxiibo ah ilaa iyo maantadana balse waxaa jirtay xili xidigahan ay is necbanaayeen midba midka kalena ma arki karin waana markii ugu horeysay ay wada shaqeynayeen sanadii 1993 isla iyaga ayaana arinkaan dhowaan shaaca ka qaadeen bilawgii sanadkaan mar ay wareysi bixiyeen. SRK waxuu yiri,

“waan necbanaa Kajol markaa duubeynay Baazigar iyadana wey iga darneed ileen markaas lee isbaranay dabeecad ahaana iskama helin maalin ayaa Aamir ii yimid waxna iga weydiiyay Kajol waxuuna rabay inuu isagana la shaqeyo balse waan waxaan kudhahay sxbow midaan atiriisho fiican ma ahan anaa dhib ku qabo ee iska dhaaf.”

“Balse wax walbo si lama filaan ayee isku bedeleen waxaan is arkay anigoo sheekadeefa xiiseynayo waxay ahed gabar war badan ugu dambeyn waan saaxiibnay ilaa iyo hada ma aqaan waxay igu akhrisay kadibna Aamir ayaa la xiriiray anigo usheegay fikirkeygii hore inaan ka noqday Kajol na atiriisho dahabi ah inee tahay ayaa usheegay.”

Kajol dhankeeda waxay tiri,”Shah Rukh iyo jilayaasha Baazigar qaar badan ayaa inecbanaayen fagtii hore anigase naceebkooda waxba igama galin war aan kuwadi jiray maalin SRK oo timaha loo hagaajinaayo ayaa dhibay daldaln saan ugu waday ayuu idhahay”waan ku baryaa iga aamus bahalyahay warka badan” wax badan ayaa iskudhacnay intaa duubeynay Baazigar laakiin maanta dadkaa isugu jecelnahay.”

SRK oo hadalkeeda sii dhameestiraayo waxuu yiri,”hada xitaa aamus aan dhahas mararka qaar ileen dabeecadeeda isma bedelin wali sidii ayee u war badan tahay sheeko kama daasho” Kajol iyo SRK waxaa lagu xasuusan doonaa 7-Filim Classic ah oo ay wada sameyeen kuwaaso dhamaantood guulo taariikhi ah gaareen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here