Hadaba waxaan maqaalkan ku gorfeyn doonna Kareena iyo xiriiradii jaceyl ay la sameeysay qaar kamid ah atoorayaasha Bollywoodka ugu caansan bilawgii qarnigaan ilaa laga guursaday 2012.

Kareena Kapoor iyo Shahid Kapoor:

Markii ugu horeysay Kareena iyo Shahid kulmaan waxay ahed intii ay socotay duubista Filimka Dil To Pagal Hai maadana Shahid filimkaas qeyb ka ahaa dhanka Dance-ga atooraha iyo atiriishada gadaashood Ragga ku ciyaarayeen ayuu Shahid kujiray.

Halka Kareena ay goobta duubista usoo raaci jirtay walaashed Karisma Kapoor oo hogaamiyaasha Filimka kamid ahed Bebo xiligaas 17 jir qiyaas ahaan aye ahed halka Shahid 16 oo kale uu ahaa.

Shahid xiligaas ayuu dusha ka ilaalsan jiray Kareena oo la moodo luul iftiimaayo ilaa ugu dambeyn bilawgii qarnigaan ay sifiican isku barteen xiriirna wada yeeshteen.

Bur burka xiriirkooda midba midka kale ayuu ku eedeyay balse dadka waxay nasiib laawe ku tilmaameen Shahid maadama Kareena oo nin walba isha kuhayey uu is gafiyay hanashadeeda.

Kareena Kapoor iyo Hrithik Roshan:

Bilawgii qarnigaan waa la isku xaman jiray lamaanayaashaan waxayna wada sameyeen aflaam dhowr ah isku soo dhowaanshahooda ugu weyn waxuu ku dhexmaray filimada kala ah Mein Prem Ki Deewani Hoon iyo Yaadein.

Balse ma noqon lamaane is calfadasn oo sanado kooban kadib weyba kala hareen waxaana la sheegay in Bebo isaga tagtay nolosha HR kana raacdau Shahid oo soo jiitay.

Kareena Kapoor iyo Fardeen Khan:

Xiriir xan ah ayaa dhexmaray oo aan raad badan loo heynin wada shaqeyntooda filimada Khushi iyo Fida kadib dadka ayaa isku xaman jireen balse ma noqon xiirir shaaca ka qaadmay.

Kareena Kapoor iyo Saif Ali Khan:

2008 ilaa 2009 inta u dhaxeysay ayuu bilaawday xiriirkii mira dhalay ee dhexmaray Saif Ali Khan iyo Kareena Kapoor, ugu dambeyn Bebo ninkii ay rabtay oo dooqeeda ahaa ayee heshay kaaso sifiican u fahmay. Shahid, Fardeen iyo Hrithik nolosha wey isku fahmi waayen balse kaftan badane Saif ayaa si rasmi ah u dhaxlay qalbiga gabadha ugu quruxda badan reer Kapoor kuna faanaan, Saif markii ay Bebo raggaan la socotay ayuuba dusha sare kala socday.

Markii xiriirkooda saldhigtay ayuu Saif bilaaway inuu Kareena ka dalbado guur sanadkii 2009 ayuuna markii ugu horeysay ka codsaday wey ka diiday waxayna usheegtay waqti dhow ineysan diyaar u ahen guur.

Ma uusan quusanin 2011 ayuu markale ka dalbaday hadana wey ka diiday ugu dambeyn isagoo quus jooga ayuu 2012 ka dalbaday hadana markaana wey ka ogolaatay waliba qisada qaabka Saif guur kala dalbaday iyo seddexda jeerba wey sheegtay xidigtaan.

Taimur ayee udhashay dhamaadkii 2016 hader nolol farxad leh ayee kula nooshahay atooraha kaftanka badan Saif Ali Khan kaaso kaftankiisa iyo xikmadiisa faraha badan kusoo jiitay atiriishadan.

Dhamaad…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here