Home » Nolosha Jilaayaasha » Shahid Kapoor Ayaa Fariin Udiray Dadka Kasoo Horjeedaan Daawasahda Filmka Padmavati Bale Maxuu Yiri!!

Shahid Kapoor Ayaa Fariin Udiray Dadka Kasoo Horjeedaan Daawasahda Filmka Padmavati Bale Maxuu Yiri!!

Filmka Padmavati sidaa la socono waxuu dhexda ka galay muran xoogan heer Director ka filmkaan Sanjay Leela Bhansali loo hanjabo oo noloshiisa qatar gasho.

Waxaa filmkaan hogaamiyaal ka ah Deepika Padukone, Shahid Kapoor iyo Ranveer Singh wuxuuna qorshaha ahaa in la daawado 1 Dec balse shahaadadii lagu daawan lahaa filmkaan waa loo diiday oo tifatirid badan ayaa udhiman muuqaalo qaar ahna wey ka dhinaaden filmkaan.

sidaa awged dib udhac ayaa kuyimid dhanka kale dadka ay kasoo jeedo boqorada filmkaan laga sheekeynaayo ayaa diiden in boqoradooda fariintaan laga gudbiyo ayaago aaminsan in fariin khaldan laga gudbinaayo.

Hadaba Shahid Kapoor oo filmkaan wax ka hogaaminaayo ayaa saxaafada wax ka weydiyeen filmkiisa iyo muranka uu dhexda ka galay wuxuuna  kayiri hadal kooban.

“Dadka diidan in la daawado filmka Padmavati dadkaas waxaaan ku tilmaami karnaa inee caadhifad heyso waayo ayaga oo ogeyn fariinta filmka ayee buuq iska bilaawayan waa dad aanan ogoleyn hormarka fanka.”

“Majiro filmsameye ama atoore jecel in uu dadka xuquuqdoda kutunto misane asiga hormar gaaro ee dadow filmkaan waa film aad kahelo doontaan waana hubaa midaas suga xiliga la daawan doono waa film heersare ah loosameyay waxaana aaminsanahay in dhamaan daawadayaasha oo ay kujiraan kuwa dhibka wadaan ay la dhici doonaan filmkaan marka ay daawadaan.”

Waxaan sugnaaba waa daawashada Padmavati iyo xiliga rasmiga ah ee la sheegi doono marka tiyaatarada la saarayo maadama hader wali howlo kasocdaan filmkan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *