Inta badan jilaayaasha Bollywood-ka waxay fanka kusoo galaan qaab is qaraabeysi ah in qoysaska ay kasoo jeedaan fanka awood ku leeyihiin. Balse waxaan idiin heynaa 9-jilaa oo fanka Hindiya maqaam sare ka gaareen kuwaas oo marxalado adag soo mareen soona qabteen shaqooyin kala duwan oo aysan qaarkood u qalmin ka hor inta aysan fanka soo galin.

Akshay Kumar: Superstar-kan wuxuu soo qabtay shaqooyin kala duwan inta uusan fanka soo galin waxaana ka mid ah kabalyeeri ama Waiter inuu soo noqday, wakiil la shaqeeyo shirkadaha duulimaadka qaabilsan, wuxuu iibin jiray xariirta dumarka isku qurxiyaan sidoo kalena macalin dhanka cayaarta karateega ayuu noqday.

Nawazuddin Siddiqui: mudo labo ah ayuu waardiye ahaa, kadibna warshad soo saarto daawooyinka ayuu shaqo ka helay ugu dambeyntiina fanka ayuu soo galay.

Sidharth Malhotra: asigoo 18-jir ah ayuu shaqada dhanka Model-ka ah bilaabay, kadibna wuxuu caawiye filim sameeye u noqday Karan Johar asigoo kala shaqeeyay filimkii My Name Is Khan.

Boman Irani: kabalyeeri ayuu soo noqday kadibna waxaa u xigtay foorno rootiga lagu dubo hooyadeed leedahay inuu kasoo shaqeeyay.

Jacqueline Fernandez: quruxleydan waxay wariye la shaqeeyo TV aqbaaraadka usoo tabin jirtay ka noqotay dalka Sri Lank ka hor inta aysan Bollywood-ka shaqo ka helin.

John Abraham: labo shirkad oo dhanka warbaahinta ah ayuu howlo kala duwan usoo qabtay, kadib joornaalo ayuu Mumbai ku wareejin jiray, waxaa u xigtay dhanka Model-ka inuu galay ugu dambeyntiina Bollywood-ka ayuu soo galay.

Rajinikanth: superstar-ka reer Tamil waqti adag ayaa soo maray xamaali ayuu noqday, kadib faryaamo ayuu galay haddane waxaa usii xigtay inuu bas ka noqday karishbooy ama conductor ugu dambeyntiina si dhab badan ayuu fanka kusoo galay.

Ranveer Singh: xidigan shaqooyinka uu soo qabtay waxaa ka mid ahaa inuu qori jiray waraaqadaha arjiyada maxkamadaha loo qorto madaama uu aad u wanaagsana garaacista makiinada wax lagu qoro sidoo kalena mararka qaar wuuba xifdin jiray arjiga qofka wato haddii uusan warqad ku qorneyn si uu macluumaadka oo dhameestiran u qoro, waana sababta keentay Ranveer haatan tirinta heesaha raabka iyo xifdintooda inaan lagu gaarin.

Shahid Kapoor: Inkastoo aabihiis Shekhar Kapur iyo hooyadiis Neelam ahaayeen jilaayaal Bolywood-ka caan ka ah haddane waqti adag ayaa soo maray sababtoo ah markii uu yaraa wuxuu ka mid ahaan jiray kuwa gadaal ka cayaaraan marka heesaha Bollywood-ka la duubayo. Wuxuuna kasoo muuqday filimo caan ah heesahooda asigoo gadaal ka cayaarayo waxaana ka mid ah Dil To Pagal Hai (1997) iyo Taal (1999).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here