Home » Nolosha Jilaayaasha » Shahid Kapoor Iyo Shraddha Kapoor Oo Delhi Safar U Aadeen Filmkooda BGMC Dartiisa (+Sawiro)

Shahid Kapoor Iyo Shraddha Kapoor Oo Delhi Safar U Aadeen Filmkooda BGMC Dartiisa (+Sawiro)

Xidigaha caanka ah Shahid Kapoor iyo Shraddha Kapoor ayaa maanta sawiro laga soo qabtay subaxii hore iyagoo kasii amba baxayaan Airport-ga Mumbai waxayna ku wajahnaayen Delhi.

Wali waxay bartanka kaga jiraan xayeysiin usameenta filmkooda kaaso tiyaatarada si rasmi ah loo saaro doono 21 bishaan September 2018 waana film jaceyl iyo shactiro isku dhexjiro ah.

Mashruucan ayaa Shahid muuqaal ahaan dib inoo xasuusin doona waayihiisa filmkii Ishq VIshk oo kale waana wiil dhalinyaro waxbarasho kujiro kaaso jaceyl waali ah u qaadayo gabar qurux badan.

Fariintaan jaceylka iyo shactirada isku dhexjirto ah waxaa Director ka ah Shree Narayan Singh ayadoo horey goos gooskisa iyo heeso mashruucan kujiraanba lasoo bandhigay aadna loo soo dhaweyay.

Hadaba xidigahan ayaa xayeysiinta filmkooda wali ku guda jiraan waxayna safar ugu amba baxeen Delhi si ay xayeysiinta usii balaariyaan halkaasna waxay kula kulmi doonaan saxaafad cusub iyo wareysi horleh oo laga qaadi doono.

Fadlan halkaan hoose ka daawo Shahid Kapoor iyo Shraddha Kapoor sawirada maanta laga soo qabtay iyagoo kasii baxayaan Airport-ga Mumbai xili labadoodaba ay dhoola cadeynayeen..