Home » Nolosha Jilaayaasha » Shahid Kapoor Iyo Shraddha Kapoor Oo Soo Gaba Gabeyeen Heeskoda Hard Hard Ee Filmkoda BGMG!!

Shahid Kapoor Iyo Shraddha Kapoor Oo Soo Gaba Gabeyeen Heeskoda Hard Hard Ee Filmkoda BGMG!!

Jilaaga caanka ah Shahid Kapoor ayaa maalmahan kusugnaa magaalka Mumbai waxuuna ku duubayey hees loogu talo galay in Mumbai lagu duubo taaso la magac baxday Hard Hard.

Heeskaan waxay kujirtaa filmka Batti Gul Meter Chalu ee ay wada jilayaan Shahid Kapoor, Shraddha Kapoor iyo Yami Gautam waxana heeskan dhanka Dance-ga macalin ka ahaa Ganesh Acharya oo xidigahan u toosinayaey Dance-ga ay heeska ku muujinayaan.

Mashruucan waa mid shactiro iyo jaceyl isku dhexjira ah ayadoo Shahid door wil 20 jir ah kujili doono shaashadana jaceyl kula wadaagi doono Shraddha Kapoor halka Yami qareen ku jileyso.

Wali waxay bartanka kaga jiraan kooxda duubista filmka waxaana Director ka ah Shree Narayan Singh ayadoo la daawan doono bisha Sept ee sanadkaan 2018…