Home » Nolosha Jilaayaasha » Shahid Kapoor “Markii Aan Duubayey Udta Punjab Mira Waxay Rabtay Inee Ii Imaato Balse Anaa Kadiiday”

Shahid Kapoor “Markii Aan Duubayey Udta Punjab Mira Waxay Rabtay Inee Ii Imaato Balse Anaa Kadiiday”

Shahid Kapoor iyo Mira Rajput Kapoor ayaa kamid ah lamaanayaasha loogu jecelyahay Bollywoodka, Shahid wuxuu Mira la aqal galay oo uu guursaday sanadkii 2015 waxayna uheysaa gabar lagu magacaabo Misha.

Hadaba Shahid ayaa ka sheekeyay xiligii uu filmka Udta Punjab duubayey in Mira ay dooneysay in ay u timaado balse uu kadiiday xidigaan.

“Waxaan xiligaas joogay Amritsar oo aan filmka Udta Punjab kuduubayey Mira na waxay Delhi la joogtay waalidiinteda sidaa awged waxay iga codsatay inee ii timaado si aan uwada sheekesano maadama xiligas arooskena dhacaayey.”

“Anigana waan ka diiday sababto ah waxaan rabay 10 maalmod inaa wada sheekesano kahor kulanka sido kalena shaqo ayaan xiligaas kujiray balse ugu dambeyn wey iitimid.”

“Aniga ahaan ma jecleen in aan Mira tuso filmka Udta Punjab ama ay daawato arooska kahor waayo doorka aan filmkaan kulaha ma ahen door soojiidasho leh ama xarago ah sidaa awged qolka tifatirkka aflaamta ayaan geeyay maadama ay rabtay inee aragto filmka.”

“Waan tusay markee aragtay waxay idhahday ma adigaa qofkaan arooskaada diyaar uma ahi hadaaba sidaan utaalo aniga waan isku naxay balse gadaal dambe ayaan ka ogaadey inee ila kaftameysay.”

Shahid wuxuu ka waramaya xiligii ay sheekada bilaw u ahed asiga iyo xaaskisa Mira oo uu aadka ujecelyahay waana lamaane aad iyo aad isku jecel caruurna kadhaxeyso.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *