Kabir Singh wuxuu noqday  Filimka ugu hadal heynta badan Bollywoodka sanadkaan 2019 maalintii lagu dhawaaqay in la sameeynaayo ilaa maantadan hadal heyn lixaad leh ayuu wataa mashruucan.

Waa filimka Hit-ka ugu weyn Shahid Kapoor noloshiisa sameeyo inkastoo muran uu dhexda ka galay maadama dadka qaar habka loo dhigay ama loo sameeyaay doorarka Shahid iyo Kiara Advani dhaliil ka keenen sababo la xiriira in dumarka lagu liidaayo halka Raggana dabci ahaan kuwa xun laga dhigaayo.

Hadaba Shahid ayaa ka qeyb galay xaflad Star Screen Award oo sanadlo loo qabto laguna abaal mariyo xidigaha sanadkaas bandhiga wacan iyo howsha wacan la imaadaan waxaa Shahid loo balan qaaday in la siin doono abaal marinta atooraha sanadka ugu fiican kuna qaadan doono Filimkiisa Kabir Singh.

Waana sababta uu xaflada kaga soo qeyb galay sido kale heshiis ayuu la galay inuu masraxa ka ciyaari doono oo heesihiisa hore qaarkood qoob ka cayaar goobta kaga muujin doono xitaa Dance-ga bandhigaas uu masraxa ka muujin lahaa wuu isku diyaariyay.

Balse wax walbo waxay is bedeleen daqiiqadihii u dambeyeen kadib markii Shahid uu maqlay in bilada Best Actor la siinaayo Ranveer Singh kuna qaadanaayo Gully Boy midaas Shahid wey ka careeysiisay waxuuna gudiga xaflada qaar ku qabsaday sababta markii hore ay beenta ugu sheegen waxaana dhacday inuu Shahid goobta si deg deg ah kaga soo tagay.

Waxay ka codsadeen inuu masraxa ka ciyaaro marba haduusan abaal marinta helin oo Ranveer helay balse waa nin careysan siduu masrax usoo koraa wuu ka diiday waxuun ku andacooday inuusan sifiican isugu diyaarinin Dance-ga Live-ka ah oo uusan tabobar fiican soo marin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here