Xidiga laga daba dhacay Shahid Kapoor filimkiisii ugu dambeeyay Kabir Singh wuxuu noqday Blockbuster taariikhi ah sanadii 2019 dhawaana wuxuu soo gaba gabeeyay duubista filimkiisa xiga Jersey oo la daawan doono xagaaga dambe 2021 waana filim lagu kalsoon yahay in daawadayaasha in badan ka heli doonaan madaama sheeko ahaan laga min guuriyay filimka Telugu ah ee isla magacan watay Jersey kaasi oo Nani sameeyay 2019 sidoo kalena Hit weyn noqday.

Shahid Kapoor madaama Jersey duubistiisa soo idleeyay wuxuu dhawaan duubis ku bilaabi doonaa filimkiisa ugu horeeyay ee Online ahaan loo daawan doono wuxuuna ku biiray barta loo yaqaan OTT ama Digital World mashruucan tiyaatarada lagama daawan doono ee Online ahaan waxaa looga daawan doonaa barta Amazon Prime Video oo filimkan maal galineyso waana mashruuc si caalami ah loo sameyn doono ayadoo Action iyo ficilo halis badan Shasha shaashada kusoo bandhigi doono.

Filimkan waxaa Director ka ah labada aan kala harin Raj iyo DK waxayna kusoo dareen atooraha reer Tamil ee Koonfur Hindiya awooda ku leh Vijay Sethupathi oo mashruucan Shahid la hogaamin doono waxayna duubista filimkan horaanta bisha Janaayo ee nagu soo fool leh ka bilaaban doontaa magaalooyinka Mumbaa iyo Goa sidoo kalena Vijay Sethupathi waxay u noqon doontaa markii ugu horeesay filim Online ahaan loo daawanayo uu sameeyo.

Waxaa la sheegay filimkan musal salka ah ama dhowr xalqo ka kooban inuu Action iyo qayaano isku jirto sidoo kalena Shahid Kapoor iyo Vijay Sethupathi sameyntiisa lacago badan ku qaadanayaan waxaana laga dhigaa filim fariin ahaan Hindiya oo idil iyo dhamaan daafaha caalamka laga daawan karo qorshahana wuxuu yahay dhamaadka sanadka dambe in barta Amazon Prime Video Online ahaan looga daawado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here