Shahid Kapoor atiriishooyin badan ayuu lasoo shaqeeyay oo qaarkood aflaam xiiso leh la sameeyay sida Kareena Kapoor Khan, Kiara Advani iyo kuwa kale balse Amrita Rao ayaa noqotay Shahid Kapoor saaxiibtiisa shaashada ugu fiicned abid.

Labadooda waxay kusoo caan baxeen Filimkii Ishq Vishk kadib 3-Filim kale ayee isla sameyeen oo kala ah Shikhar, Vaah! Life Ho Toh Aisi! Iyo ViVaah xili ayeena kamid ahaayen lamaanayaasha shaashada Bollywoodka kuwooda ugi fiican.

Dhowaan Shahid bartiisa Instagram-ka ayuu qaatay misane taageerayaashiisa uu kula falgalaayey si ay suaalo usoo weydiyaan isagana uu kaga jawaabo ileen guriga ayuu iska joogaa wax howl ah mahaayo markaan oo karantiil ayuu kujiraa.

Mid kamid ah taageerayaashiisa ayaa xusuusiyay saaxiibtiis Amrita waxuuna yiri,”mudane hal erey ka dheh saaxiibtaada shaashada MmAmrita Rao” durba Shahid ayaa wiilkaas u jawaabay waxuuna yiri sida tan.

“Run ahaantii aad ayaan ugu xiisay Amrita Rao waxay ahed atiriishooyinka aan la shaqeeyay tii iigu dhoweed dhanka wada shaqeynta shaashada atiriisho qaab jiliin cajiib ahna leh ayee ahed waan uxiisay inaan la shaqeyo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here