Xidiga laga daba dhacay Shahid Kapoor filimkiisii Kabir Singh wuxuu noqday Blockbuster weyn sidoo kalena ilaa iminka waa filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay oo ay Bollywood ka sameeyeen balse filimkan soo baxay 21 kii June 2019 ilaa iminka hadal heyntiisa masoo idlaanin.

Dad badan oo xuquuqda dumarka u doodaan ayaa tacadi ku tilmaameen muuqaalka filimkan ku jiro ee Shahid Kapoor dharbaaxayo Kiara Advani kadib markii aabaheeda u diido inuu guursado waxaana lagu tilmaamay muuqaal gabood fal ah oo awooda ragga loo adeegsaday dumarka loona baahan yahay in muuqaalkaas filimka laga jaro ama raali galin Shahid bixiyo.

Shahid ayaa arinkan ka aamusi waayay ugu dambeyntii wuxuu yiri “Kabir Singh waa filim gudiga aflaanta faaf reebaan siiyeen shahaado dadka qaangaarka ah kaliya ku daawan karaan sidaa darteed haddii fariin qaldan u gudbinaayo lamaba ogolaan laheyn in tiyaatarada la saaro.”

Xidigan oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri “Fariinta filimada lagu gudbiyo waa qayaali qofkii tiyaar soo aadayna waa qof kala garan karo sax iyo qalad ee xuquuqda dumarka loo doodayo iyo qayaaliga aflaanta lagu soo bandhigo yaan la isku darin.”

Shahid oo dooda dhinac kale u gadiyay wuxuu yiri “Aniga waaba la iiga daran yahay SRK ayaa Shilpa ku dilay filimka Baazigar halka Ranbir Kapoor saxanka saxarada qoorta u galiyay Sonam Kapoor mangal suud ahaan filimkii Sanju marka tacadiyadaas looma jeedo miyaa?”

Sidoo kale Shahid wuxuu sheegay in Amitabh oo ah Super star ka Hindiya ugu weyn aflaanta qaarkood tuug iyo xumaan ku matalay wax caadi ahna ay tahay loona baahan yahay in la ogaado waxa shaashada lagu soo gudbinaayo inay qayaali yihiin sidoo kalena faaf reeb soo mareen lana siiyay shahaadadii lagu daawan lahaa lana og yahay dadka loogu tala galay da’ahaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here