Mudo bilooyin ah ayee sheekadan socotaa waliba naalmihii u dambeyeen xan badan oo kusaabsan geerida jilaaga caanka ah Shahid Kapoor ayaa la faafinayaa balse asal ahaan waa wax kama jiraan marka dib loo baaray xaqiiqadana la ogaaday.

Shahid waa caafimaad qabaa qoyskiisa ayuuna la nool yahay shaqadiisa Bollywoodkana wuu wataa balse war been abuur ah ayaa laga qoray xidigaan oo lagu leeyahau Shahid waa geeriyooday intuu filim duubis ku mashquulsanaa.

Sheekadan waxay soo bilaawatay intii uu duubaayey filimkiisa Kabir Singh qeybihii hore sanadkaan ayagoo duubis wataan ayaa la sheegay in shil ka dhacay goobta duubista waxaana ku geeriyoodan dhowr ruux.

Shaqaalaha kale ee howlaha Filimkaan wadeen 3 ilaa 4 qof kamid ah ayaa la sheegay ine shilkaas ku geeriyoodeen balse dad ayaa ka faaideysteen oo naceeb u qabaan Shahid Kapoor waxayna faafiyeen war ah Shahid shilkaas ayuu ku geeriyooday.

Kuwa kale ayaaba ka dareen maalmahan oo dhahayeen kuma geeriyoon shilkaas balse dadkii ku geeriyoodee shilkaas ehelkooda qaar kamid ah ayaa dilee Shahid Kapoor aargudasho ahaan maadama filimkiisa ay ka howl wadeen.

Baaritaan dheer kadib waxaa la ogaaday xaalka Shahid iyo inuu nabad qabo haderna waxaa la daba joogaa dadka warkaan beenta ah faafiyeen mana ahan markii ugu horeysay taariikhda jilaa geeri been abuur ah laga faafiyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here