Shahid Kapoor inta badan mudooyinkaan dambe lama falgalo saxaafada wax wareysi ahna ma bixiyo inta badan marka uu xayeysiin sameynaayo mooyee balse markuu ka qeyb galay barnaamijka Karan Johar daadihiye ka yahay ee Koffe With Karan ayuu Shahid afka furtay.

Filimsameye Karan Johar oo lagu yaqaano inuusan la gambanin suaalaha xasaasiga uu weydiinaayo jilayaasha Bollywoodka ayaa Shahid weydiyay hada kahor suaal al xiriirta galmada.

Waxaa Shahid la weydiiyay sheeyga uu ka jecel yahay galmada hadiiba uu jiro balse jawaabta uu bixiyay dadka qaarna wey ku qosleen qaar kalena waa runtiis ayee dhaheen waxuu yiri xidigaan.

“Maba jiro sheey aan ka dooranaayo galmada sababto ah waa muhiim insaanka inee galmo sameyaan mana ka maarmaan aniga ahaan Bollywoodka xitaa waan kabixi lahaa hadii la ikala dooransiiyo oo marwalba galmada ayaa doorana wax walbana darteed waan u joojin karaa xitaa shaqadeyda jiliinka.”

Jawaabta uu Shahid siiyay Karan oo afka qabsaday ilaa hada lama oga xaaskiisa Mira Rajput inee ku faraxday jawaabtaas seygeeda bixiyay heer xitaa uu dhahay Bollywoodka waan oga bixi lahaa Galmo aawgeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here