Shahrukh Khan oo toogtaan tuugmo u galay jamaahiirtiisa tolow muxuu ka baryayaa??

0
1227

Jilaaga caanka ah misna lagu naaneyso boqorka Bollywoodka ayaa muuqaal uu shalay soo dhigay bartiisa baraha bulshada jamaahiirtiisa ka tuugay kana codsaday iney guryahooda laasimaan una hogaansamaan amarada hey’adaha caafimaadka.

India ayaa kamid ah wadamada uu saameynta ku yeeshay kuna faafay Viruskaan hase yeeshee sida China iyo yurub oo kale uguma faafin sidaas oo ay tahayna waxaa la xiray iskoolada shineemooyinka iyo goobaha la isugu yimaadaba si looga hortago in caabuqaan saameyn ku yeesho India balse qaar kamid shacabka ayaanan dhag u dhigin talooyinka kahortaga Viruskaan waana arinta keentay in qaar kamid ah jilayaasha ugu caansan ay dadweynaha ka codsadaan laasimida guryahooda.

Boqorka Bollywoodka ayaa muuqaal Video uu iska soo duubay uga codsaday jamaahiirtiisa iney guryahooda laasimaan asigoona sidoo kale u mahad celiyay hey’adaha caafimaadka iyo qofkasta oo xil iska saaray naftiisana u huray sidii Viruskaan loo xakameyn lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here