Shahrukh Khan xaaskiisa Gauri Khan oo ku faraxsan fashilka ninkeeda iyo filimadiisa Flopka noqdeen sidee wax u jiraa?

0
1242

Tan iyo siduu u fashilmay Shahrukh Khan filimkiisii ugu dambeeyay ee Zero wali kuma uusan dhawaaqin mashruuciisa xiga iyadoona taageerayaashiisa khaaska ah uu sabarka ka dhamaanayo xili ay sugayaan mashruuca xiga ee SRK la imaan doono.

Niyad jabka taageerayasha SRK waa farxada Gauri Khan maadaama ay haatan heshay waqti fiican ay ninkeeda kula qaadato iyada iyo caruurteedaba waxayna wareysi ay siisay majalada Zoom ku sheegtay in haatan ay ku tiirsanaan karto ninkeeda.

Gauri ayaa tiri; “waxaa la gaaray xiligii aan qaadan laheyn nasasho anigana aad ayaan u faraxsanahay waayo haatan waxaan awoodaa inaan sidaan doono u safro maadaama uu asiga guriga joogo caruurtana uga tagi karo”

Balse Gauri ayaa taageerayaasha ka farxisay markii ay sheegtay in dhawaan uu soo laaban doono ayadoona tiri; “waxay ila tahay inuu dhawaan dib usoo laaban doono”.

SRK ayaan wax filim ah kasoo muuqan tan iyo sanadkii hore kadib markuu guuldareystay mashruuciisii weynaa ee Zero wuxuuna filimada ka qaatay sanad nasasho ah arintaasoo ay farxad ka muujisay xaaskiisa Gauri Khan balse waa arin aysan marnaba soo dhaweynin taageerayaasha daacada u eh SRK.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here