Boqorka Bollywoodka Mega Star Shahrukh Khan waa mid ah jilayaasha ugu shacbiyada balaaran aduunka waana jilaaga ugu hantida badan Bollywoodka sidoo kalana waa mid kamid ah jilayaasha ugu awooda badan Fanka India.

Boqorka Bollywoodka mudo sanad ah wax filim uma soo bixin filimkiisii ugu dambeeyay ee uu keenk wuxuu ahaa filimka Zero kaasoo Box Officeka ku fashilmay misna Flop noqday.

Sidoo kale SRK in mudo ah ma uusan keenin filim Hit ah asigoona Hitkiisiiugu dambeeyay uu ahaa filimka Happy New Year waxaana uu soo baxay 2014tii ayadoo waliba 6 sano ku dhawaad laga joogo hadana sidaas oo ay tahay boqorka Bollywoodka shacbiyadiisa iney hoos u dhacdo iska daayee sare ayay usii kacday.

Shahrukh Khan ayaa todobaadkaan u dabaal dagay in bartiisa Instagramka uu ku yeeshay 20 Million Followers taasoo muujineyso kobaca taageerayaashiisa waxaana xusid mudan in barta Twitterka uu ku leeyahay 39.5 Million Followers asigoona qarka u saaran in 40 Million Followers ku yeesho.

Mudo 6 sano ah filim Hit dhameystiran ma uusan keenin sidoo kalana mudadaad filimadiisa ma aysan badneen asigoo kaliya sameeyay 6 filim halka mudo sanad ah uu hawada ka maqanyahay sidaas oo ay tahayna jamaahiirtiisa sare ayay u kaceysaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here