Director Rohit Shetty waqtigan la joogo waxaa lagu tilmaamaa filim sameeyaha Bollywood-ka ugu guulaha badan uguna awooda badan wuxuuna ku caan baxay taxanayaasha Golmaal iyo Singham sidoo kalena aflaan kale oo guulo lixaad leh gaareena wuu sameeyay sida Chennai Express, Simmba, Bol Bachchan iyo kuwo kale haatana filimkiisa xiga Sooryavanshi waxaa hogaamiye ka ah Superstar Akshay Kumar.

Arin xiiso badan ayuu Rohit Shetty shaaca ka qaaday in shaqada Bollywood-ka kasoo bilaabay mataalada doorka loo yaqaan “Body Double” ama halista uu ka xigsado atoorayaasha asigoo muuqaalada halista ah sameyn jiray 90-maadkii marka u jiliana lagaaga dhigaayo in atooraha filimka uu matalay ilaa iminkana waa la adeegsadaa Body Double marka loo baahdo.

Haddaba Rohit Shetty wuxuu barnaamijka Kapil Sharma Show dhawaan ka sheegay inu Body Double u matalay Akshay Kumar ama qatarta uu ka xigsaday markii filimka Suhaag la sameenayay oo muuqaalo halis badan oo aan ku daawanay shaashada Rohit Shetty matalay balse waxaan u heesanaa anaga in muuqaladaas si toos ah Akshay Kumar u matalay.

Filimkii Suhaag wuxuu soo baxay sanadii 1994 asigoo HIT noqday waxaana Akshay Kumar la jileen mashruucan Ajay Devgn, Karisma Kapoor iyo Nagma. Sidaa darteed Rohit Shetty shalay markii uu shaqo doon iyo magac doon ahaa Akshay Kumar ayuu halista ka xigsaday maantana marka uu maqaam sare gaaray waxaa u suura gashay inuu Akki markii ugu horeesay filim u agaasimo ayagoo ku midoobeen mashruuca weyn ee la wada sugaayo Sooryavanshi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here