Juhi Chawla waligeed wey necbaned Salman Khan lamana oga sababte ku nacday balse waxaa iska jiro qof aan waligiis waxba kaa haleynin ood iska naceyso qofkaaso kale Jinnigaada nacay ayee dadka dhahaan sidaa aawged atiriishada Juhi Chawla marnaba kama aysan helin Salman Khan nolosha dhabta ah iyo shaqada Filimadaba.

Hada kahor waxaa la sheegay xitaa inuu aabahed ka doontay eeyna diiday iyada aabahedna uu Salman guriga kasoo ceyriyay balse arinkaas waxaa ka daran sheeko kale oo dadka qaar ogeyn taaso ah 25-sano kahor Juhi Chawla waxaa loo bandhigay Filim ay Salman Khan la hogaamin laheed.

Wey iska diiday Filimkaas kooxda iska leh mashruucaas ayeena u bandhigtay in Salman Filimka ka saaraan oo Aamir Khan ku bedelaan arinkaas Sallu wuu maqlay aad ayuuna oga carooday markaas ayuuna go’aansaday inuusan waligiis la shaqeynin Juhi wuxuuna marwalba dhihi jiray,”ma aqaan waxay Juhi igu nacday aniga gabdho badan waan la shaqeyay balse Juhi waa gabadha kaliya aan jeclaan jiray waligey inaan shaashada la wadaago iyadana wey idiiday.”

25-sano kadib Salman Khan oo Juhi Chawla goob fagaaro ah ku bahdilay soona xusuusiyay khaladkeedii hore:

Juhi Chawla ayaa ka qeyb gashay barnaamijka Bigg Boss xili Filim ay laheed ku xayeysiineysay barnaamijkaasna Sallu ayaa daadihinaayey inkastoo sanado badan kasoo wareegatay Khan ayaa Chawla si fiican usoo dhaweeyay balse khaladkeeda hore ayuu xasuusiyay.

Waxuu meesha Salman hab kaftan kudheehan oga sheegay in Juhi hada kahor filim ay la sameyn lahed ay diiday waliba waligeed necbanaan jirtay sababtaasna isaga Salman ah ilaa hada ogeyn markaas ayuu Juhi weydiyay sababte 90-maadkii naceebka ugu qaaday isaga Sallu ah Filimkiisana udiiday dad badan ayaana goobta joogeen kuwa kalena Live ayee Tv-ga oga daawanayeen.

Juhi waxay tiri,”uma maleeyo inaan ahay atiriishada kaliya abid filim inee kula sameyso diiday balse nasiibka ayaa nakala geeyay intaas unbaa dhihi karaa…haa laakiin hader waan wada shaqeyn karnaa diyaar ayaana u ahay inaan filim kula sameeyo hadaa rabtid.”

Salman ayaa wali u arkay hadalka Juhi mid kibir kudheehan inkastoo ay afka ka qosleysay isagana hadal dadban ayuu ku duqeeyay waxuu yiri,” haa waad ila shaqeyneysa hader laakiin waan ka xumahay jaceyl kulama wadaagi karo waxaad ku nuureysa inaad shaashada hooyo iigu noqoto maadama aad duqowday hooyadeyna la factahay marka diyaar ma u tahay shaashada inaa hooyo iigu jiso door ayaan kuu raadinayaaye.”?

Juhi hadalka ayaa ku dhagay wax jawaab ahna kama aysan bixin wajigeedana inee carootay ayaa laga fahmay inkastoo qosol been ah ay iska keentay sida guud Salman filimkii Deewana Mastana ayuu muuqaal marti ahaan oga soo muuqday halkaas mar ayee shaashada wadaageen ilaa hadana xurguftooda hoose waa mid socoto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here