Shalay oo Axad ahay filimka Baaghi 3 wuu dagaalamay inkastoo tiyaatarada badankooda gudaha Hindiya la xiray cabsi laga qabo Coronavirus wuxuuna keenay ganacsi 2 Crore ku dhow qiyaasta xili hore sida ay shabakada Boxoffice India (BOI) soo daabacday.

Filimka Baaghi 3 shalay ganacsigiisa sare u kac ayuu sameeyay ayadoo tiyaatarada gobolada UP iyo Rajashthan la xiray haddii aan la xiri laheyn ganacsigiisa 3.50 Crore ayuu gaari lahaa balse midaas ma dhicin waxaana ku xun xaalka balse weli mashruucan wuu dagaalamayaa waxaana muuqato haddii xaaladan deg dega ah la gali laheyn inuu si dhaqsi ah HIT ku noqon lahaa.

Filimka Baaghi 3 wuxuu HIT ka noqday gobolada Gujarat / Saurashtra iyo UP laakiin dhibaatada jirto waxay tahay laga bilaabo Isniinta tiyaatarada ku yaalo Gujarat/Surashtra waa la xiri doonaa waxayna ka dhigan tahay ganacsiga Baaghi 3 masii socon doono.

Filimkan wuxuu keeni doonaa todobaadkiisa labaad sedexda maalmood ugu horeyso 5.75 Crore ilaa 6 Crore lacago u dhaxeeyo balse haddii jawiga caadi ahaan lahaa wuxuu keeni lahaa 12 Crore ilaa 13 Crore ganacsi u dhaxeeyo.

Dhinaca kale filimka Angrezi Medium ee Irrfan Khan iyo Kareena Kapoor Khan hogaamiyaal ka yihiin isagana xaalka ayuu kusii xumaaday madaama Axadiisa kowaad uu keenay 2.50 Crore ilaa 2.75 Crore lacago u dhaxeeyo uu keenay dhibaatada heesato waxay tahay magaalooyinka waa weyn uu ka gadmi lahaa tiyaatarada ku yaalo albaabada ayaa la isugu dhuftay.

Waxaa muuqato in todobaadkiisa kowaad sedexda maalmood ugu horeyso keeni doono 9.25 Crore ilaa 9.50 Crore qiyaas ahaan haddii xaalka caadi ahaan lahaa 15 Crore ilaa 16 Crore ganacsi u dhaxeeyo ayuu sameyn lahaa balse haatan filimkan xaalada wey ku xun tahay weliba maanta oo Isniin ahna tiyaataro dheeri ah ayaa lasii xiri doonaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here