Emraan Hashmi qof walbo ayaa og in boqorka shumiska Bollywood uu ahaan jiray sidoo kalena qasab ahayd atirisho walbo oo shaashada kala soo muuqato inuu faruuryaheeda shumiyo weliba nooca baashida loo yaqaan.

Hadaba Emraan hadda ka hor wuxuu wacdaro ku dhigay atirishadii Udita Goswami waayo filimkii Zeher (2005) ayuu baashi ama shumis dareen ku dheehan l wadaagay shumiskii ayaa u baxay ilaa uu is hilmaamo waxayna Uditi sameesay Qaniinyo Ayee isaga fujisay Iyadoo faruurta ka qaniintay markaas ayuu Emraan miirka usoo laabtay!

Filimka Zeher waxaa Director ka ahaa Mohit Suri oo Emraan Hashmi walaalo yihiin ama ilmo habreed yihiin markii dambena atirishada Udita Goswami guursaday.

Sidoo kale atirishada Uditi waxay Emraan muuqaalo dareen ku dheehan la sameesay filimkii Aksar (2006) oo uu markale gabadhan ka yaabsaday wixii markaas ka dambeeyay go’aan ayay ku gaartay inaysan Emraan la shaqeynin.

Emraan Hashmi iyo Udita Goswami waxay wada sameeyeen aflaan caan an ah oo ay dareen wadaageen waxaana ka mid ah Zeher (2005), Dil Diya Hai (2006) iyo Aksar (2006) sidoo kalena waxay ahaayeen labo dhalinta Hindiya aad u jecleyd inay shaashada kasoo muuqdaan.

Udita Goswami ugu dambeyntii Emraan Hashmi duumaashidiisa ayay noqotay kadib markii Director Mohit Suri uu guursaday sanadii 2013 waxayna u dhashay wiil iyo gabbar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here