Superstar Hrithik Roshan sanadkan 2019 siweyn ayuu usoo rogaal celiyay kadib markii filimkiisii Super 30 HIT noqday wuxuu Hindiya ku qabsaday filimka War oo bilaabasho taariikhi ah la yimid wuxuuna dhigayaa wacdaro aan caadi ahayn.

Sidaa darteed Hrithik Roshan ma doonayo inuu markale mudo hawada ka maqnaado wuxuun rabaa awooda Bollywood-ka toos inuu ula wareego sidaa darteed Hrithik Roshan iyo aabihiis Rakesh Roshan waxay bilaabeen shaqada hordhaca ah taxanooda weyn Krrish 4 waana mid ka mid ah taxanayaasha ugu caansan looguna jecel yahay ebid Hindiya sameeyeen.

Filim sameeye Rakesh Roshan shaqada Krrish 4 asigoo bilaabo ayaa xanuunka kansarka ka asiibay dhanka cunaha nasiib wanaag wuu kasoo kabtay xanuunkii haayay haatana isaga iyo wiilkiisa shaqada caalamiga ah ee filimka Krrish 4 laga qabanaayo ayay bilaabeen waxayna qoyskan awooda badan sheegeen in Krrish 4 doorar badan iyo caddow badan lagu soo dari doono marka lala bar bar dhigo sedexdii taxene ee hore Koi Mil GayaKrrish & Krrish 3.

Waxaa la isla dhex maraayay in Sanja Gupta oo Hrithik u sameeyay filimkii Kaabil Director ka noqon doono Krrish 4 balse sheekadan Rakesh Roshan ayaa beeniyay oo sheegay in shaqada Krrish 4 bilaabatay lana diyaariyay goobaha lagu duubi lahaa, sawiro tijaabo ahna Hrithik laga qaadayo dhawaana shaaca laga qaadi doono jilaayaasha mashruucan Hrithik la jilayaan qorshahana wuxuu yahay in horaanta sanadka dambe 2020 duubistiisa si rasmi ah u bilaabato Krrish 4.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here