Home » Nolosha Jilaayaasha » Shashi Kapoor, Vinod Khanna, Om Puri, Reema Lagoo Iyo Xidigo Kale Oo Sanadkaan Geeriyoodeen (+Sawiro)

Shashi Kapoor, Vinod Khanna, Om Puri, Reema Lagoo Iyo Xidigo Kale Oo Sanadkaan Geeriyoodeen (+Sawiro)

Sanadkaan waxaa Bollywoodka ka hoydeen xidigo caaan ah oo fanka hindiya abid laga xasuusan doono howshii adkeed ay soo qabteen awged waana xidigo lagu faano.

Shash Kapoor ayaa ugu dambeyay shalay oo isniin aheyd ayuu xidigaan macsalaameyay dunida kadib markii mudo uu xanuunsana dhanka kalyaha ah.

Sidaa awged waxaa lasoo bandhigay xidigaha ugu caansan ama ay dhaleen xidigo caan ah kuwaaso sanadkaan gudihiisa Bollywoodka ka tageen.

Halkaan Hoose Ka Daawo Xidigaha Caanka Ah Ee Sanadkaan Bollywoodka Macsalaameyeen:

1. Shashi Kapoor (1938-2017):

4 Dec ee sanadkaan kuna beegned shalay oo isniin ah ayuu dunida macsalaameyay asigoo udhintay kalyo xanuun mudo dheer hayey.

2. Vinod Khanna (1946-2017):

Mid kamid ah xidigihii bari samaadki ugu quruxda badnaa Bollywood Vinod Khanna qaab jiliin iyo qurux inaba caadi kuma aheyn labada.

wuxu geeriyooday sanadkaan 27 bisha April asigoo udhintay cudurka Cancer-ka.

3. Om Puri (1950-2017):

Om Puri oo kamid ahaa xidigihii qaab jiliinka wacnaa wuxuu dunida ka xijaabtay bilawgii sanadkaan asigoo u geeriyooday wadna xanuun taariikhda marke ahed  January 6, 2017.

4. Reema Lagoo (1958-2017):

waxay u geeriyootay wadna xanuun bishii May 18 ee sanadkaan 2017 waana mid kamid ah hooyooyinkii shaashada kuwacnaa maadama shaashada ay hooyo inta badan ku jili jirtay.

5.Inder Kumar (1973- 2017):

wuxuu u geeriyooday wadna xanuun daran oo qabtay wiilkaan kasoo muuqday aflaam badan oo caan ah sida filmka Sallu uu la keenay ee Kahin Pyaar Na Ho Jaaye.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *