Jilaagii bari samaadkii ahna siyaasi Shatrughan Sinha (Canjeex) ayaa weerar ku qaaday xidigaha Bollywoodka ee dowlada ugu deeqeen lacago caawin ah si loola dagaalamo caabuqa Coronavirus.

Jilayaasha uu weerarka ku qaaday waa kuwa iyagu afkooda ka sheegeen ama la baahiyay lacagaha ay bixiyeen cadadkooda xidigahaas uu weeraray waxaa kow ka ah Superstar Akshay Kumar oo isagu 25 Crore dowlada ku caawiyay si ay Corona ula dagaalamaan.

Sinha oo hadlaayo waxuu yiri,”in dowlada lagu caawiya tabarucaad lacageed si loola dagaalamo Corona waa wax wanaagsan balse in la sheeg sheego misane lagu faano cadadka lacageed ee lala baxay waa foolxumo weyn arinkaan waana kasoo horjeeda aniga ahaan.”

“Waxaan maqlay jilaa 25 Crore bixiyay waxaa yaab leh maxaa ku qasbay jilaagaas (Akshay Kumar) inuu dadka ogeysiiyo wixii uu la baxay sideeda banaan sadaqada waa qarsoodi oo ma haboona Public inee noqoto iyo in lagu faano.”

Shatrughan Sinha waxuu toos u weeraray Akshay Kumar inkastoo uusan magaciisa sheegin hadana waa la iska fahmi karaa inuu Akki yahay ileen jilaa kale oo cadad lacageee halahaas dhan la baxay majiro Akki iyo Sinha waxay kawada shaqeyeen Filimkii AAN bilawgii qarnigaan.

Waxaana xusid mudan Shatrughan Sinha gabadhiisa Sonakshi Sinha iyo Akshay Kumar in wada shaqeyn dhexmartay xidigo xushmad isku hayaana wey yihiin hadaba Kumar makasoo jawaabi doona hadalka siyaasigan mise wuu isdhaafin doonaa..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here