Sheekada Caruusadii Dilaaga noqotay (Sheeko yaabkeeda wadato) Qeybta 4aad

0
844

Markii ay is dhaheen sii baxa ayuu Duweydaar kusoo baraarugay gabadhaan yar ee doonida saaran misna Mansuur la socoto, dhaqaaqii ayuuna joojiyay asigoona dhankeyga soo eegay, wuxuuna bilaabay kor iyo hoos inuu ii eego.

Intaas kadib ayuu wuxuu Mansuur ku yiri; “Waa tuma gabadhaan yar?”

Mansuur oo cabsi xoogan dareemay ayaana markaas yiri; “Adeer ayaan u ahay oo walaalkey ayaa dhalay aniga ayayna ila nooshahay hada kadib geeridii walaalkey ku timid”.

Duweydaar ayaana markaa dhankeyga usoo dhawaaday oo gacanta iga qabtay, kadibna inta cabaar i eegay ayuu yiri; “Gabadhaan yarta markii ay weynaado faa’iido badan ayaan ka heli doonaa ee si fiican u kori”.

Intaa kadib ayuu gacanteyda ka fuqay wuxuuna u dhaqaaqay dhankii doonidiisa, asigoona wajigiisa ay ka muuqato dhoola cadeyn dhagar laga dareemaayo sidii ayayna nooga tageen.

Aniga waan ka quustay raadinta qoyskeena sidaas owgeed waxaan iskala noolaa adeer Mansuur.

Mudo 9 sanadood ah ayaa kasoo wareegatay maalintii uu Mansuur wabiga iga helay, haatan waan weynaaday waxaana noqday gabar gashaanti ah misna 19 jir ah, wax walba oo nolosheydii hore ku saabsanaana waan iska iloobay, waxaan iloobay qoftaan ahaa, waxaan iloobay gurigeenii, waxaan iloobay noloshii aan ku noolaan jiray, haatana waxaan ahay gabadha Kalluumeyste Mansuur.

Mansuur wuxuu ahaa nin aad u qalbi jilcan aadna u wanaagsan, anigoo yar ayuu meel iga helay wuu i caawiyay i koriyay i barbaariyay, asigoo waliba aanan waxba ii aheyn sidoo kalana nolol faqri badan ku noolaa.

Aad ayaan ula cajiibi jiray qaabka uu iila dhaqmi jiray waayo wuxuu iila dhaqmi jiray sidii inaan ahay gabar uu asiga dhalay oo kale, maalin ayaan waxaan weydiiyay su’aal muhiim aheyd taasoo inbadan maankeyga ka guuxeysay waxaana ku dhahay; “Adeer Mansuurow qaabkaan aad iila dhaqmeyso maxaa ugu wacan?”

Waqtiga aan su’aashaas weydiinaayay xeebta dhankeeda ayaan fadhinay markaas ayuu inta la yaabay su’aasheyda dhankeyga soo eegay asigoona igu yiri; “ Adiga gabadheyda oo kale ayaad tahay, mise waxaad la yaabantahay sida wanaagsan ee aan kuula dhaqmaayo?”

Markaas ayaan waxaan ugu jawaabay; “Dunidaan aan ku noolnahay waxay tahay waan arkay quud afka la galiyo dartiis baa maalin walba la isku dilaa, adigana labadeena ayadoonan wax xiriir qaraabonimo naga dhaxeynin ayaad i caawisay waliba adoo og inaan kasoo jeedo qoys hodan ahaa, misna kamid ah dadka aad necbeyd, aniga waxaan is lahaa maadaama aad kasoo jeedo dadka uu necebyahay ee dabaqada sare cadaawad ayuu kuu qaadi doonaa balse adiga sidaas ma aadan sameynin wanaag ayaadna ii muujisay”.

Mansuur ayaa markaa inta dhoola cadeeyay igu yiri; “Adiga markaan kula kulmaayay gabar bari ah oo yar baad aheyd waxa dunidaan ka dhacayana waxba kala soconin, marka hadii adigoo sidaas ah aan kuula dhaqmo sida ay dadka xumaanta ku caanbaxay u dhaqmaan markaas aniga maxaan dadkaas dhaamaa?, aniga wanaaga iyo kheyrka aan kuu muujinaayo ogoow ma ahan midaan badalkeeda kaa doonayo waayo waxaan sameynaayo waa camal kheyr”.

Markaas ayaan weydiiyay; “Maxaad sidaas u sameyneysaa?”

Wuxuuna iigu jawaabay; “Waayo falka aan sameynaayo waxay marqaati ka noqonayaan qofka aan aniga ahay sidaas owgeed, aniga wax walba oo kheyr ah Allaah dartiis baan u sameeyaa qof dunidaan joogana inuu ii abaal gudo kama doonaayo, waayo abaal gud waxaa ugu fiican midka aakhiro”.

Hadalkaas markii uu i yiri ayaan waxaan soo xusuustay Shakraan naagtii uu guursaday aabahey misna hanti darteed u dishay, waxaana is barbar dhigay faqriga uu ninkaan Mansuur ah ku noolaa, kaasoo uu waliba igu barbaariyay, sidii inaan gabadhiisa ahay oo kale, asigoonan waxba iga hagran aqoona ii laheyn iyo falkii guracnaa ee eedadey ku kacday.

Durba indhaheyga waxaa soo buux dhaafisay ilin aad u xoog badan waayo waxaan ogaaday in maalku uusan waxba aheyn karaamada qofka iyo sharaftiisana ay ku xirantahay akhlaaqdiisa balse aysan ku xirneyn maalka.

Anagoo sidii xeebtii u fadhina misna sheekeysaneyno ayaa waxaa halmar jawigii naga qasay cod labadeenaba na argagax galiyay kadib markii aan aragnay Burcadkii Duweydaar ahaa oo ay la socdaan ciidankiisa kaasoo dhankeena usoo socdo, markaas ayuu Mansuur inta afkiisa dhagta ii saaray wuxuu si hoose iigu yiri; “Iska jir inaad u sheegto adiga qofka aad tahay, marnaba ha u sheegin”.

Labadeenaba baqdin ayaa na gashay, Duweydaar ayaana markaa inoo soo dhawaaday kadibna Mansuur ayuu wuxuu ku yiri; “Waxaan kaasoo doontay amaanadeyda”.

Mansuur ayaana markaa yiri; “Maxay tahay amaanada aad ii dhiibatay ee aad iga soo doonatay?”

Intaa kadib Duweydaar ayaa inta aniga dhankeyga fartiisa kusoo fiiqay yiri; “Waa tan amaanadeydii”.

Markii uu hadalkaas yiri labo kamid ah ciidankii Duweydaar ayaana dhankeena soo aadeen, si ay aniga ii qabtaan balse adeerkey Mansuur ayaa ul weyn oo meesha taalay inta qabsaday labadii nin ku baaciyay asigoona ku lahaa; “iska jira inaad gabadheyda u dhawaataan waxaa igu balan ah ninkii u dhawaado inaan dili doono”.

Hadalkaa markii uu Mansuur yiri ayay burcadii is fiiriyeen kadibna qosol la daateen, markaas ayuu Duweydaar wuxuu amar ku bixiyay hadii Mansuur iska caabin sameeyo iney dilaan, mid kamid ah ragii ayaana dhankii adeerkey Mansuur soo aaday balse Mansuur ayaa ninkii la xarbiyay asigoona markii dambe ushii weyneyd madaxa uga kala jabiyay.

Ninkii ayaana markaa dhulka ku dhacay ayadoona dhiiga ka qulqulaayo, aniga markaas waxaan bilaabay cabsi inaan la gariiro waayo waxa xiga ee dhici doono marnaba masii qiyaasi karin.

Duweydaar markii uu arkay in Mansuur uu dilay mid kamid ah ciidankiisa ayuu inta aad u xanaaqay seeftiisa galka kala baxay wuxuuna soo aaday dhankii adeerkey Mansuur, asigoona ku hadaaqayay; “Waan ku dili doonaa baastaryahow”.

Adeerkey iyo Duweydaar ayaana halkii ku xarbiyay nina ul ayuu ku dagaalamayay midna seeftiisa qarada weyneyd, dhowr jeer ayuu adeerkey ku sigtay in Duweydaa usha la helo balse Duweydaar ayaana si farsamo leh ugu gambiyay, intaas kadib wixii xigay ma aheyn wax laga sheekeyn karayo.

Duwayadaar ayaa seeftii uu sitay caloosha kaga saray adeerkey kadibna inta is rogay dhabarka kaga taagay, waxayna aheyd arintii iigu argagaxa badneyd mudo aad u dheer, waxaana arkay adeerkey oo dhulka kusii dhacayo ayadoona dhiiga hawda leeyahay, seeftii dhabarka laga galiyayna ay feerihiisa kasoo baxday.

Mansuur ayaana markaa dhankeyga inta soo eegay gacantana iisoo taagay igu yiri; “Waan ka xumahay gabadheyda waayo waan awoodi waayay inaan tuugadaan kaa difaaco”, halkii ayayna nafta uga baxday asigoona shahaadada ku celcelinaayo.

Waxaan dareemay murug aad u xoog badan, balse waxaan ku baraarugay nimankii Duweydaar oo aniga i hareereeyay, waxaana xigtay in midkood gacanta i qabto kadibna uu ii geeyo Duweydaar, markaas ayuu Duweydaar oo dhoosha ka qoslayo inta wajigiisa wajiga ii saaray igu yiri; “Soo dhawoow hantideyda cusub”.

MAGAALADA QAAHIRA IYO SUUQII ADOOMADA.

Sidii la ii waday waxaa toos la ii geeyay magaalda Qaahira gaar ahaan suuqa adoomada lagu kala iibsado, “Imisa ayaad iga siineysaa?” waxaa sidaas yiri ninkii ka ganacsan jiray adoomada suuqa la keeno, intaanan loo jawaabin ayuu hadana wuxuu yiri; “Bal u kaadi aan si fiican u eegee”.

Dhankeyga ayuu usoo dhawaaday xili anigana aan sidii xoolaha gacmaha ka xiranahay, kadibna ninkii halkaan i keenay iyo kii i iibsanayay ayaa waxay bilaabeen iney kawada hadlaan kuna heshiiyaan qiimaha ay i kala siisan lahaayeen, waxaana waqtigaas dareemay aniga inaan ahay haatan badeeco suuqa taalo oo aanan insaan aheyn.

Labadii nin markii ay qiimihii ku heshiiyeen ayaana ninkii i iibsaday wuxuu la hadlay raggii u shaqeynaayay asigoona amar ku siiyay iney gudaha i galiyaan, kadibna nimankii ayaa inta iisoo dhawaaday si qasab ah igu galiyay qol meesha ku yaalay, kadibna albaabkii ayay kor iiga xireen.

Waxaad moodaa inaanba kusoo dhex dhacay qol xasharaad la isugu keenay waayo ma xisaabin kartid gabdhaha yaryar ee halkani lagu soo aruuriyay, intooda badan aniga da’deyda oo kale ayay ahaayeen sidoo kalana dhammaantood gacmaha ayay ka xirxrinaayeen.

Markii aan in cabaar ah qolkii gabdhihii kula jiray wax juuqna aanan dhihin ayaan mid kamid ah gabdhihii qolka igula xirnaa inta u dhawaaday waxaan weydiiyay sida nalaga yeeli dono iyo waxa nalagu sameyn doono? Markaas ayay iigu jawaabtay in nala sii beecin doono haatana badeeco jumlo ah aanan waxba dhaamin sii beecinteenana ay tahay tafaariiqda.

Alla muxuu waayahu is badalay, gabadhii kasoo jeeday mid kamid ah qoysaskii ugu hodansanaa magaalada Qahira ee Reer Khaliil maanta sidii cad hilib ah ayay kawaanka saarantahay misna kawaanle jirkeeda iyo ruuxdeedaba ka ganacsan doonaa. Waayihi cajiibsanaa.

CUTUBKA SADAXAAD; YUULAANIS.

Subaxdii xigtay ayaa waxaa naloo kaxeeyay suuqii adoomada la isugu keeni jiray, kadibna shabaq ayaa nalagu wada xareeyay sidii inaan xoolo nahay oo kale waxaana mid kasta oo gabdhihii meesha la isugu keenay kamid aheyd lagu beecinayay sicir gooni ah.

Anigoo wali sidii meeshii u taagan gacmihiina ka xiran ayaa waxaa isoo kor istaagtay naag magaceeda la yiraahdo Yuulaanis, waxayna aheyd naag u dhalatay Giriiga, waxay laheyd indho soo jiidasho badanaadna u qurux badan, kuwaasoo ay awoodo iney ku sixirto nin walboo aduunka joogo,

Bishimo u guduudan sidii Faraawulada, una dhalaalayo sidii subaga, dhabano u shuban sidii miraha tufaaxa, jir dhisan misna is heysto kaasoo lagu kicin karo dareenka nin walba, timo midabeysan misna aad u dhaadheer kuwaasoo quruxdeeda qeyb lixaad leh ka qaatay, intaas oo dhan waxaa kasii daran deymadeeda oo waxaan lasiisto laheyn.

Balse dhammaan arimhaas Yuulaanis ka muuqday aniga shaqo kuma laheyn waxa kaliya ee dareenkeyga soo jiitay wuxuu ahaa faraantigii Yuulanis gacanta ugu jiray waqtigaas, waayo faraantigaan wuxuu ahaa faraantigii uu Mansuur iga qaaday aniga si uu noogu soo iibiyo wax aan dhuunta marino, ma iloobin marnaba sideena u iloobi karaa asigoo faraantigaas ahaa waxa kaliya ee qoyskeyga iiga haray?

Yuulaanis oo in cabaar ah eeg eegeysay gabdhihii aan meesha iskkula xirneyn baa inta dhankeyga soo jaleecday tiri; “Tan baan doonayaa”.

Hadalkii oo aysan dhameyninba nimankii ayaa bilaabay in anigoo wali xargihii ku xiran ii jiidaan dhankii Yuulaanis, halka ayadana ay ninkii isoo iibsaday qiimaha kula heshiineysay.

Markii ay lasoo heshiisay ayay dhankeyga inta soo eegtay kor iyo hoosna ii fiirisay bey waxay igu tiri; “Magacaa gabaryahey?”

Isla markiiba waxaan soo xasuustay hadalkii Mansuur ee ahaa inaanan qofna u sheegin qofka aan ahay iyo magaceyga dhabta ahba, markaas baan anigoo hoos eegaay waxaan ugu jawaabay; “Magaceyga waa Leylo Axmed”.

Uma aanan sheegin inaan ahay Leylo Khaliil, markaas ayay ayadoo dhoola cadeynyso igu tiri; “Kusoo dhawoow Leyla nolosheyda”.

La soco qeybta 5aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here