Sheekada Caruusadii Dilaaga noqotay (Sheeko yaabkeeda wadato) Qeybtii 9aad

0
752

Waxaan fariistay sariirtii ay caanka ku aheyd waxaana soo qaatay shiishadii anigoona shitay, waxaana markaas guda galay inaan sugo gabdhihii qasriga iyo inta ay kasoo laabanayaan si aan u iclaamiyo xornimeyda iyo haatan wixii ka dambeeyo inaan noqday qofka masuulka ka ah Gurigaan iyo iyagaba.

“Soo dhawaada gabdho, aniga waxaan ahay ugaasadiina cusub, waayo Milsaa safar kadis ah ayay aaday, sidaas owgeed haatan laga bilaabo gurigaan iyo adinkaba anigaa idinka masuul ah”. Sidaas ayaan ku dhahay gabdhihii markii ay soo laabteen, xili aan ku fadhiyay kursigii Milsaa.

Xiliga aan sidaas leeyahay waxaan xiranahay dharkii Milsaa waxaana cabayaa shiishadii ay cabi jirtay, goobtii lagu yaqaanayna waan ku fadhiyaa sidoo kalana waxaa i hiryaalo labo saxiix oo kala ah inaan milkiyada guriga aniga la wareegay sidoo kalana haatan laga bilaabo aan xor ahay.

Gabdhihii oo yaaban ayaana markaas is fiiriyay kadibna waxaan hordhigay labadii saxiix ee wax walba cadeynaayay kuwaasoo aan aniga sameeyay, mana jirin cid beenin kartay ama diidi kartay, waxaana waqtigaas dareemay shucuur aad u xoogan, waayo wixii aan dulinimo ku noolaadaba haatan waxaan dareemayaa xoog iyo inaan ahay qof laga dambeeyo misna isku tashatay.

Nolosha waa cajiib waahayana waa macalin, shalay waxaan ahaa gabar miskiin ah maantana waxaan noqday gabar ay cid kasta ka cabsato, waxaan ku guuleystay xakameynta maamulkii guriga, waxaan noqday qof laga cabsado misna awood aan caadi aheyn lasoo baxday, mana jirin cid hadal igu soo celin kartay.

Waxaan ogaa nolosha jileeca ah ineysan meelna i geyneynin sidaas owgeed waan ku qasbanaa inaan dhaqankeyga badalo, anigoona isku badalay naag qamarji ah misna wax ay ka cabsato uusan jirin, qofkii amar diido igu sameeyana ciqaabtiisa marsiin jiray waayo habka kaliya ee wax loo maareyn karo ayuu ahaa.

Mudo sanad ah ayaan maamulkii guriga iyo midkii gabdhahaba gacanta ku haayay ilaa maalintii dambe nolosheydii qofkii badalay aan la kulmay.

Maalin ayaan anigoo qolkeyga ku jiro howsheydii caadiga aheydna gacmaha kula jiro ayaa waxaa la ii keenay gabar dhalin yar aadna u qurux badan taasoo aan dhihi karo waa gabadhii ugu quruxda badneyd ee aan arkay intii aan noolaa.

Waxay aheyd gabar quruxdeeda ka sokow xishood ku darsatay xitaa markii ay hadleyso awood u laheyn in ay madaxeeda kor usoo qaado marwalbana hoos ayay fiirin jirtay, gabadhii markii la ii keenay ayaan kor iyo hoos u fiiriyay, waxaana iiga muuqatay iney tahay gabar bari ah oo aanan howshaan shaqo ku laheyn markii ugu horeysayna ay tahay.

Gabadhii ayaan markaas weydiiyay; “Howshaan aqoon miyaad u leedahay?” markaas ayay igu jawaabtay ayadoo hoos fiirineyso; “Maya” jawaabteeda layaab iguma aysan noqon waayo midaan filayay ayay aheyd.

Markaas ayaan hadana Waxaan ku dhahay; “Adiga uma ekid qof howlahaan kasoo bixi karo sidoo kalana kuguma haboona ee maxaa kugu kalifay inaad aagaan soo gasho?”

Fabadhii ayaana markaas iigu jawaabtay; “Aniga aabahey iyo hooyadey wey geeriyoodeen, waxaa jiro wiil walaalkey oo iga yar, aadna u yar mana heysano waxaan cuno maanta, inaan gaajo u dhimano ayaana ka baqay waxa kaliya ee aan heysto maantana waa jirkeyga, marka hadii aan baahida walaalkey ku dabooli karo diyaar ayaan u ahay”.

Hadalka ay gabadha ku hadashay misna dhagaheyga ku dhibcay wuxuu igu noqday ootin igu taagan, asigoona dib iisoo xusuusiyay noloshii aan aniga iyo Adeerkey Masnuur ku nooleyn, waxaan dareemay xanuun aad u xoogan, waxaana eegay diifta iyo murugada gabadhaan wajigeeda ka muuqday.

Inkstoo aan is badalay hadana qof qalafsan noqday noloshii jileeca aheydna ka gudbay hadana gabadhaan waxay isoo xusuusisay nolosheydii hore iyo dhibkii iyo rafaadkii aan soo maray, aad ayaana ugu beer jilcay runtii.

Ma garanaayo halka uu beer jileecaan iiga yimid balse waxaad moodaa abadhaan iney dib usoo nooleysay naxariistii aan ku dhashay iyo gabadhii baariga aheyd ee qalbigeyga ku duugneyd.

Inta gabadhii usoo dhawaaday ayaan gacanteyda dhabanka ka saaray kadibna garka inta ka qabtay wajigeeda si tartiib ah kor ugu soo qaaday, waligey ma aanan arag waji sidaan u qurux badan una baarisan, markaas baan ku dhahay; “Magacaa?”

Gabadhii ayaana markaas iigu jawaabtay; “Naadiya ayaa la i dhahaa”. Waxaan ugu jawaabay; “Naadiya waxba haka cabsan dhibkaan waad ka bixi doontaa murugtana iska saar”. Kadibna gabdhihii jaariyadaha ahaa ayaan midkood ku dhahay qol gaar ah gabadhaan daji waxay cunto iyo dhar fiicana hala siiyo.

Aniga iyo gabadhaan nolosha hal si’ ayay noosoo martay balse farqiga wuxuu yahay aniga ma aanan helin cid garab ii noqon karto oo markaan xaaladeeda oo kale ku jiray da’deeda oo kalana ahaa i caawisay, balse iyada maanta fursad ayay heysataa waana awoodaa inaan caawiyo.

Labo wado midkood ayaa ii furneyd tan koowaad inaan Milsaa oo kale noqdo gabadhaan bariga ahna wuxuush u badalo, ama inaan adeerkey Mansuur oo kale noqdo siduu ii caawiyayna u caawiyo.

Waan fakaray waxaan eegay noloshaan ku jiray, waxaan ahay 21 jir, waxaan maamulaa guriga ugu weyn gabdhaha jirkooda ka ganacsada ku noolyihiin, habeenkasta waxaa goobtaan isugu yimaado nimanka lacagta leh kuwa gaangistarada, kuwaasoo gabdhaha sidey doontaan ka yeeshaan, anigana maxaan ka helaa waa uun lacag yar taasoo aanan aduun iyo aakhiro meelna i geyneynin.

Marwalba oo niyadeyda kusoo dhacaan indhihii bariga ahaa ee gabadhii Naadiya aheyd cabsi ayaa i gasho, horay waxaan usoo noqday dilaa dhiigyo cab ah, balse haatan waxaan heystaa jaanis aan nolosheyda ku badalo iyo mida gabdhahaan masaakiinta meesha la isugu keenayba ku badalo.

Maalintii xigtay ayaan waxaan u yeeray Naadiya waxaan siiyay lacag ku filan ayada iyo walaalkeed oo ay ku noolaan karaan waxaana u sheegay in magaaladaan isaga tagaan goob kalana nolol cusub ka furtaan lacagtaana kaashadaa. Markii aan sidaas sameynaayay waxaan diidayay Leylo kale oo aniga ila mid ah in gabadhaan kasoo dhexbaxdo, sidaas owgeed hadaan aniga nolosheydii badbaadin kari waayay mida Naadiya ayaan awoodaa inaan badbaadiyo.

Gabadhii markii ay aragtay lacagtii aan siiyay indhaheeda ayaa waxaa kasoo buuxsameen ilin xoogan ayadoona oohinta iska celin weysay, ilaa uu garkeeda ka qoyay waxayna garan weysay qaab ay iigu mahadceliso, balse waxaan u sheegay inaan mahad celin ka dooneynin taas badalkeedana aniga aan u mahad celinaayo waayo waa ayada qofka nolosheyda badbaadisay, waana ayada qofka isoo xusuusisay Leyladii wanaagsaneed ee igu dhex nooleyd, hadii aanan la kulmi laheyna aanan garan laheyn xaalkeyga wuxuu ku dambeyn lahaa.

Nadaa ayaan waxaan ku dhahay; “Aniga waxba ha ii mahadcelinin, balse ku dadaal sidii aad noloshaada ku badbaadin laheyd, ogoowna waxa aad ku fakartay inuusan xal aheyn, waa sax oo nolosha walaalkaa ayaad badbaadin laheyd balse midaada ayaad burburin laheyd, haatan lacagtaada qaado adiga iyo walaalkaana magaaladaan isaga taga nolol cusub bilaaba marnaba haku fakarin howshaan oo kale inaad markale qabato waayo xal kuuma noqoto, shaqeyso oo nin wanaagsan guurso nolol cusubna bilow”.

Nadiya sidaas ayaan nolosheeda ku badbaadiyay waxaana waqtigaas dareemay naxariis iyo nafis xoogan, farxad ayaan markii ugu horeysay mudo sanooyin ah dareemay, xasilooni ayaa isoo gashay, waxaana iskula hadlay dareenkaan waligaa ma aadan dareemin hal qof oo wanaag u sameysay ayaadna sidaan ugu nafistay bal kawara hadaan dad badan wanaajiyo?

Mudo labo habeen ah waan fakarayay waayo haatan noloshii Naadiya waan badbaadiyay balse nolosheydii ayaa i hortaalo, aniga wali waan yarayahay mudadii aan howshaan ku jirayna waligey nin ma aanan hoos seexan, waxaan heystaa fursad aan inta dhiman isku badbaadiyo sidoo kalana ku badbaadiyo gabdhaha masaakiinta ee halkaan la isugu keenay.

Subaxdii dambe markii hurdada laga soo wada kacay ayaan waxaan isugu yeeray dhammaan gabdhihii jaariyada ahaa ee guriga ku sugnaa sidoo kale shaqaalihii iyo waardiyihii ayaan isugu yeeray, gabi ahaantoodaba hoolka guriga ayaan isugu keenay waxaana u sheegay in albaabka guriga soo xiraan maantana aysan shaqo jirin.

Markii ay isku wada yinmaadeen ayaan waxaan ku dhahay; “Si fiican ii dhageysta arin aad u muhiim ah oo ay macquul tahay qofkasta oo halkaan joogo iney noloshiisa badasho ayaan doonayaa inaan idinkala hadlo”.

Kuligood dhagaha ayay soo taageen mana jirin qof ka mid ah oo qiyaasi karayay waxaan kala hadli rabo wajiyooda waxaa ka muuqatay cabsi iyo qalqal, markaas ayaan waxaan weydiiyay; “Maku faraxsantihiin howshaan aad heysaan misna aad ku nooshihiin?”

Su’aashaas markaan weydiiyay ayay is fiiriyeen mana aysan ii jawaabin baqdin ayaana gashay, markale ayaan hadana ku dhahay; “Wax aad ka cabsataan ma jiro, qofkii aan noloshaan ku faraxsaneen wuu ii sheegi karaa kii ku faraxsan misna doonayana sidoo kale asigoonan cabsan ayuu ii sheegi karaa, waxaana igu balan ah inaan qofna dhibaateynin qof walba ra’yigiisa haka dhiibto”.

Is fiirfiirin kale kadib qaarkood gaar ahaan gabdhihii goobta joogay ayaa sheegay in noloshaan adoonimada ah jirkoodana ka dhigtay badeeco suuqa taalo cid ku faraxsan aysan jirin, balse ay danta kuwada kaliftay.

Inta is biimeeyay ayaan markaas waxaan ku dhahay; “Waa hagaag hadaba i dhageysta, aniga waxbadan ayaan fakaray waadna ogtihiin inaan adinkoo kale ahaa, fikirkana waan idinla qabaa, sidaas owgeed ayaan go’aan u gaaray inaan gabi ahaantiiba idiin xoreeyo, gurigaan waxaa taalo hanti aad u badan oo idinku wada filan taasoo aadn nolol cusub ku abuuri kartaa, dhammaan waxa dahab, dheyman iyo qalin yaalaba wey naga badanyihiin, saacaan laga bilaabo dhammaantiina xor ayaad tihiin”.

Hadalkaas markuu afkeyga kasoo baxay wey wada yaabeen waxayna moodayeen inaan la kaftamayo balse waxaan u sheegay inaanan marnaba la kaftameynin oo ay xaqiiqo yihiin.

Midood ayaana markaa i weydiisay laakiin adigana maxaad sameynee hadii wixii hanti ahaa aad anaga nawada siiyo?

Waxaan ugu jawaabay inaan guriga iibin doono, waa qasri weyn hanti baaxad lehna ku fadhiyo taasoo tobaneeyo jeer kabadan hantida kale ee taalo, sidaas owgeedna dhammaanteena heysano lacag nagu wada filan.

Gabdhihii adoomada wada ahaa ayaa halmar wajiyadooda is badaleen, waxaana kasoo muuqatay Farxad aanan xad laheyn waayo waxay isku darsadeen xoriyadooda oo ay dib u heleen iyo hanti ay ku noolaan karaan, sidoo kalana waxay aad ula yaabanaayeen waxa maankeyga iyo fikirkeygaba badalay waayo waxaan naxariis daro iyo cadaadis aheyn iigama aysan baranin.

Uma aanan wada sheegi karin gabdhihii dhibkii iyo rafaadkii aan soo maray sidaas owgeed, ayaan u sheegay anigoo hadalka usoo koobayo in noloshaan aysan aheyn mid la daa’imi karo haatana la gaaray xiligii isbadal aan sameyn lahaa.

Kama sheekeyn karo wixii goobta maalintaas ka dhacay iyo farxadii wajiyada gabdhaha ka muuqatay, balse waxaa ka darneyd midii aan aniga qalbiga ka dareemaayay, markaas ayaan gabdhihii markale la hadlay balse cid i maqashayba ma aysan jirin oo ayaga ayaa isku mashquulsanaa.

Miis horteyda yaalay nta garaacay ayaan kor u qeyliyay, markaas ayay halmar wada aamuseen ayagoona dhankeyga soo eegay cabsi kalana waa ay gashay waxayna moodeen in wixii hore kaftan ahaayeen.

Gabdhihii ayaan markaa ku dhahay; “I maqla waxaan diyaarin doonaa waraaqihiinii aan idinku xoreynaayay iyo hantidii aan idiin qeybin lahaa, balse kahor inta aanan howshaasi dhameynin waxaan idinka doonayaa inaad ii keentaan qof Qasrigaan iga iibsada waa howshii ugu dambeysay ee aan idiin diro markii aan qasriga iibiyo wax walba wey isku dhamaanayaan, mida kale markaan hantida idiin qeybiyo magaaladaan waa la idinka yaqaanaa umana maleynaayo nolol cusub misna dabiici ah inaad ka heli doontaan, sidaas owgeed qof walba lacagtiisa ha qaato dhulka ilaahay waa waasac meel aanan la idinka aqoonin aada markalana halkaan iyo noloshaan qariban ha usoo laabanina”.

Intaa kadib gabdhihii ayaa kala dareeray si u raadiyaan qof gurigaan naga iibsada, waxaana isku soo haray ilaaladii markaas ayaan u sheegay ayagana in qofkii doonayo nuu baxo asigana fasax yahay lacagna siin doono sidoo kalana qofkii doonayo inuu aniga ila joogo oo ila shaqeysto aan soo dhaweynaayo.

5 nin ayay ahaayeen, 4 kamid ah ayaana codsaday in lacagta qaataan oo ay nolol cusub raadsadaan halka midka soo harayna uu ii sheegay in uu ila joogaayo ilana shaqeysanaayo.

Magaciisa waxaa la oran jiray Kamaal, wuxuuna ahaa wiil dhalinyar da’diisana 26 jir ah, lama uusan mid aheyn ilaalada kale qof dagan oo howshiisa kasoo baxa ayuu ahaa, markaas ayaan 4tii nin kale fasaxay, kadibna Kamaal ayaan weydiiyay sababta uu u doortay inuu ila sii joogo halka uu dooran lahaa in lacag qaato kadibna iska tago.

Kamaal ayaana markaa igu yiri; “Maalintii ugu horeysay ee aan ku arkay ayaan dareemay inaad qof wanaagsan tahay, balse nolosha ay sidaan kuu badashay, qalbigeyga ayaa midaas ii sheegayay balse marnaba isma dhihin xaqiiq ayay noqon doontaa, arinka aad sameysayna waxay astaan u tahay sida aad u tahay qof wanaagsan sidaas owgeed sharaf ayay ii tahay aniga inaan adiga kula joogo kulana sii shaqeysto”.

Marnaba isma aanan laheyn dunidaan qof wanaagsan ayaa ku haray, balse hadalka Kamaal qiiro iyo yadadiilo ayuu i galiyay waana uga mahad celiyay arinkaas anigoona sidoo kale u sheegay in hantida aan iibinta gurigaan ka helo aan Turkiga ugu safri doono halkaasna uu ii raaci karo, waayo howlo ganacsi inaan galo ayaan doonayay sidaas owgeed Nin garab ii noqdo misna aamin ah sida Kamaal oo kale waan u baahnaa.

Maalinkaas galabteeda ayaana waxaa ii soo gashay mid kamid ah gabdhihii jaariyadaha ahaa ayadoona ii sheegtay iney soo heshay Haweeney dooneyso guriga, markaas ayaan u sheegay iney soo galiso.

Markii ay haweeneydii soo gashay oo ay indhaheyga qabteen ayaan yaabay waayo waan rumeysan waayay qofka ay indhaheyga qabtaan, horteyda ayay taagantahay, waa eedadeey Sanaa Khaliil ee aabahey la dhalatay.

La soco qeybta 10aad…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here