Sheekada Dilaaga Ubaxa Guduudan (Sheeko cajiib ah) Qeybta 1aad

0
816

Waxa Turjumay; Cabdiraxmaan Xassan Anteeno.

Daariq ayaa wuxuu kusoo baxay boor yar kaasoo uu ku qornaa (Xafiiska Yaara ee dambi baarista gaarka ah), dhankii xafiiska ayuuna kusoo leexday, asigoona albaabka soo riixay gudahana u galay.

Daariq xiligii uu xafiiska galayay wuxuu xafiiska ahaa mid gabi ahaantiisba isku dhex yaacsan, ma uusan helin qof xafiiska kusoo dhaweeya, sidaa owgeed dhismihii markii uu galay wuxuu u jiheystay qolka kaliya ee uu leydhka (Nalka) ka shidnaa, waxaana qolkaas albaabkiisa qeybta kore ku qornaa Magaca (Yaara).

Daariq kahor inta uusan galin albaabkaas wuxuu ku fakaray inuu dib u laabto, balse wuxuu naftiisa ku qanciyay inuu horey u socdo, waayo iyadu waxay leedahay macluumaad muhiim ah oo kiiska ku saabsan ayaan kuu haayaa, marka daariq wuxuu ku fakaray halkii uu dib u guran lahaa bal inuu soo arko waxa ay heyso.

Albaabkii qolka ayuu labo mar garaacay kadibna wuxuu maqlay cod ka dalbanaya inuu gudaha usoo galo, intaa kadib albaabkii inta uu riixay ayuuna gudaha u galay. Markaa ayuu wuxuu arkay ayadoo fadhisay xafiis duug ah oo qolka u yaalay qeybtiisa dambe.

Daariq horay ayuu u garanayay Yaara sidaa owgeed mar alle iyo markii uu arkay ayuuna aad ula yaabay sida ay isku badashay waxaaba moodaa qof kale oo gabadhii uu garanayay maba ahan. Markii uu galay ayay inta kurisga kasoo kacday waxay ku tiri;

-Daariq waxaad ku timid waqti xadidadan waana soo dhaqsatay, ee sidee tahay?

-Waan fiicnahay aniga.

Jawaabtaas yar inta uu siiyay ayuu ku fariistay kursigii horyaalay xafiiskeeda, intaa kadib inta kursigeedii kasoo kacday ayay waxay usoo jiheystay halkii uu Daariq fadhiyay, waxayna ku fariisatay kursigii uu ku fadhiyay mid kasoo horjeeday, ayadoo waliba leh;

-Iiga waran shaqada?

“Waa heer sare” inta uu yiri ayuu hadana wuxuu u raaciyay; “Maxay tahay macluumaadka aad kaheyso kiiska Amiirada?”

Yaara markii ay aragtay sida uu Daariq u dagdagsanayahay mowduucana horay uga abaaray ayay ku tiri;

-Daariq, Daariq, Daariq, ma sidaas ayaad ula dhaqmeysaa saaxiibtaadii hore? Waan dhihii karaa (saaxiibtaa hore) soo ma ahan? Ima weydiineysid miyaa xaalkeyga iyo waxa aan ku suganahay?

-Adiga waad ogtahay sababta aan aniga halkaan u joogo, aniga halkaan uma imaanin sheeko iyo kaftan, sidaa owgeed ii sheeg xogta aad heyso waxa ay tahay?

-Hagaag, wali sidii ayaad u howlkarsantahay waqti inuu kaa dhumana ma rabtid waan u jeedaa, balse kahor inta aanan mowduuca guda galin ugu yaraan wax cab.

Yaara intaa markii ay tiri ayay batoonkii yaraa ee xafiiskeeda yaalay garaacday si caawisadeeda ugu imaado balse wax jawaab ah ma aysan helin, Daariq ayaana markaa Yaara ku yiri; “Banaanka anigaa haatan soo maray cidina ma joogto”.

Yaara ayaana markaa inta madaxa yara xoqatay wajigeedana caro yar kazoo muuqatay tiri; “Waa dhoocil aanan shaqo rabin, waxay moodaa marba hadii mushaarkeeda uu kazoo dib dhacay iney xaq u leedahay xiligey doonto iney halkaan isaga tagto”.

Intaa markii ay tiri Yaara ayay inta fadhiga ka kacday tiri; “Aniga ayaa kuu diyaarinaayo cabitaanka”, balse Daariq oo gacanta ugu tilmaamayo ayaana yiri; “Waxba uma baahni, muhiimna ma ahan inaan intaan kabadan waqtiga iska sii dhumiyo, ee ii sheeg xogta aad heysid?”

Intaa markii uu yiri ayay inta kursigii dib ugu fariisatay bay indhihiisa eegtay, markaa ayay inta neef iska soo riixday waxay tiri; “Xaqiiqda waxay tahay aniga inaan marnaba heynin wax xog ah oo ku saabsan kiiska, dhinac kasta ayaan kiiska ka baaray balse wax natiijo waan ka gaari waayay, ninka aan raadineynana macnaha kaliya ee aan u heli karo waxay tahay inuu yahay reer Aakhiraad waqtiguu doono soo muuqdo, wax cadeyna aanan ka tagin, ma jiro macno kale oo aan ku qeexi karo”.

Yaara markii ay intaa tri ayuu Daariq kursigiisa ka kacay asigoona ku yiri; “Ma waxaad iigu yeertay oo iigu qasabtay inaan kooxda barista kazoo tago inaad ii sheegtid warkaan?”

Intaa markii uu yiri ayay Yaara fadhiga hagaajisatay oo lugahana is kor saaratay ayadoona tiri; “Xaqiiqda waxay tahay in joogitaankaaga halkaan uu marqaati kayahay kooxda barista wado xaalkooda inuusa waxba dhaamin midkeyga waayo hadii aad wax I dhaantaan adiga halkaan ma imaan laheyn”

Intaa markii ay tiri ayuu Daariq u jiheystay dhankii albaabka asigoona Yaara ku lahaa; “Markii hore ayayba Khalad aheyd inaan halkaan imaado”.

Intaa markii uu yiri ayay ugu jawaabtay; “Waa sax inaanan haatan nwax xog oo ku saabsan kiiska heynin balse waxaana garanaaa habkii iyo wadadii aan xogtaan rabno ku heli laheyn”.

Daariq markii uu hadalka Yaara maqlay ayuu dib ugu soo laabtay kursigiisa, inta fariistay ayuuna Yaara ku yiri; “Iisheeg waxa aad heyso iyo wadada aan xogta ku heli karno”.

Intaa markuu yiri ayuu hadana u raaciyay; “toogtaan wax hordhac ah iyo hadal la jiid jiido ma rabo moqduuca horay kagal”.

Yaara ayaana markaa inta yara dhoola cadeysay indhihii daarqina eegtay ku tiri; “Waxaan kaa doonayaa hadalka aan ku leeyahay inaad si fiican u dhageysato, kadibna aad inbadan ka fakarto kahor inta aadan talaabo qaadin, waayo anaga halkaan waxaan uga hadleynaa kiiska ugu muhiimsan boqortooyada, xitaa waxaa macquul ah inuu yahay kiiska ugu muhiimsan aduunka manta, anaga waxaan ka hadleynaa Amiirada….”

Ayadoo hadalka wado ayaa waxaa ku kala jaray Daariq oo ku yiri; “Waan kuu yeeshay hadal la jiid jiido ma doonayo ee Mowduuca gal”.

Yaara ayaa markaa inta neef weyn ka imaaday tiri; “Nicromancy”.

Markaa ayuu Daariq yiri; “maxaad kala jeedaa?”

Yaara ayaana markaa tiri; “Waa hab sixir ah oo lagu wareysto dadka dhintay…”

Daariq ayaana markale ku kala jaray asigoona leh; “Aniga waan aqaanaa wuxuu Nicromancy yahay, balse su’aasha waxay tahay waa maxay xiriirka ka dhaxeeyo Nicromancy iyo kiiska Amiirada?”

Yaara ayaana markaa ku juwabtay; “Ka fakar arinta, oo is weydii dadka kaliya ee arkay Dilaaga Ubaxa Guduudan? Waa dadkii uu dilay, waxayna arkeen kahor inta uusan dilin, sidaa owgeed anagoo adeegsaneena habka Nicromancy waxaan awood u yeelan karnaa inaan dadkaas xogta aan rabno kazoo saarno”.

Daariq oo yaaban ayaana markaa yiri; “Wlhi wax waalan baad noqotay, caqligaaga mala socdaa waxa uu afkaagu ku hadlaayo? Adiga waxaad ka hadleysaa sheeko baraleey khuraafaad ah”

Yaara ayaana markaa tiri; “Maya ma ahan Khuraafaad Nicromancyga waa xaqiiqo, waxaana garanayaa dad horay u tijaabiyay”.

Daariq ayaana markaa ugu jawaabay; “Xitaa hadii uu xaqiiqo yahay, mala socotaa adiga waxa aad ka hadleyso waxay yihiin? Adiga waxaad ka hadleysaa in la cuno hilbaha dadkii dhintay, hade waa hilbaha dadkii dhintay, macquul macula tahay arin ceynkaan oo kale oo dabiici macula tahay? Waxay u muuqataa sidii magacaaga u muuqbeelay oo caanimadaadii u weysayba in caqligana baabah kaaga noqday”.

Yaara oo aana u aabo yeelin hadalka Daariq ayaaa ugu jawaab celisay; “Waan ogahay inuusan arin dabiici aheyn, balse si fiican ii dhageyso aniga, arinta aan kuu sheegay waa xalka kaliya ee maanta nahoryaalo, aniga kiiska tobaneeyo jeer ayaan baaris ku sameeyay, dhinackastana waan ka eegay balse dilaagaan lacnada ku dhacday maba ahan mid cadeyn ama raad ka tago, sidaas owgeedna ma jirto cid awood u leh in ay asiga soo qabato, anigaan soo qaban Karin oo adigaan soo qaban Karin xitaa Systemka dowlada ayaanan soo qaban Karin asiga, sidaa owgeed waxa aan kaala hadlay aniga waa habka kaliya ee dilaagaas lagu gaari karo, hadii aanan adeegsana taasi waxay ka dhigantahay inaan Amiirada u ogalaano iney dhimato”.

Intaa markii ay tiri Yaara ayuu Daariq markale fadhiga ka kacay asigoona yiri; “Xalkale ayaan u heli doonaa, xitaa hadii aanan sameynin qorshaha aad adiga keentay markaa wixii ka dhacaayo haka dhacaan Amiiradana masiirkeeda ayay….”

Asigoonan hadalka dhameynin ayay inta ka dhexgashay bey ku tiri; “Adiga wali ma aadan fahmin waxaan ka hadlayo soo ma ahan?, arinta aan kaala hadlaayo ma ahan Kiis iska caadi ah, kaasoo aad xalin karto ama ku guulareysan karto xalintiisa cid kuu qabsaneysana aysan jirin, kiiskaan waa kiis hadii uu soo xirmo noloshaada aysan marnaba sidii hore ahaan doonin, labo mid ayay noqoneysaa, inaad xaliso oo aad noqoto xidig weyn, ama aad ku fashilmato kadibna noqoto mid marwalba la quursado, ma jiro cid xusuusan doonto dadaalkaaga iyo waxqabadkaagiiba xitaa magacaaga cid xusuusan dooto ma jirto, waxa kaliya ee lagugu xusuusan doono ayaana ah inaad adiga tahay dilaagii Amiirada barkee adigaa kiiska gacanta ku haayay, sidaa owgeed cidina ma eedi doonto dilaaga dhabta ah, taas badalkeedana can ayuu sii noqonayaa, buugaag badana waa laga alifi doonaa halxiraalihiisa aan la xalin Karin, xitaa sheekadiisa filimaan badan ayaa laga sameyn doonaa, balse adiga soo ma ahan waxa kaliya ee lagugu xusuusan doono ayaa ah inaad tahay ninkii ogolaaday Amiirada iney dhimato kiiskeedana xalin waayay, sidaas owgeedna mujtamaca oo dhami wey iska kaa fogeyn doonaan, waxaan waayi doontaa noloshaada, qoyskaada, shaqadaada, iwm, waxaadna noqon doontaa mid nasiib leh hadii aad hesho koombo yar oo aad ku dhuumato inta ka dhiman cimrigaaga, kahor inta aadan u dhiman maandooriye ama cirbad saa’id ah”.

Daariq oo taagnaa si muglehna hadalka Yaara u dhageysanayay ayaa markaa yiri; “Waa macquul hadalkaaga inuu sax noqdo”.

Yaara ayaana markaa tiri; “Taasi waxay muujineysaa sida aan kaaga saxanahay”.

Daariq ayaana markaa yiri; “Hagaag waad iga saxantahay, Laakiin aniga marnaba sidaa ma yeeli doono, si aan sharaf ii gaar ah u sameysto ma dhici doonto inaan cuno hilbaha dadka waa hore dhintay taasina adiga marnaba ha iga sugin”.

Intaa markii uu yiri ayuuna Xafiiska isaga soo baxay halka Yaarana ay ku laheyd; “Waad soo laaban doontaa Daariqow waan hubaa mdaas”.

La soco qeybta 2aad…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here