Sheekada Dilaaga Ubaxa Guduudan (Sheeko nooceeda horay loo arag) Qeybtii 2aad

1
1089

Daariq markii uu kasoo baxay xafiiskii Yaara aya wuxuu u jiheystay dhankii gaarigiisa asigoona maskaxda iska lahaa; “Xaqiiqdii Yaara wey waalatay, suurogal ma ahan in hab fikir ceynkaan ah ay kasoo maahato qof caaqil ah, Nicromancy aaa? Maxay tahay waalidaan?”

Daariq wuxuu ahaa mid maskaxdiisa ay u shaqeyneysay si xowli ah markii ay soo waceysay Yaara una sheegeysay in kiiska xog uga heyso, xili uu kusii jeeday guutadii ay isla howlgalayeen ee B-6 waqtigaa wuxuu ahaa mid moolka kaga jiray xal u helida howsha u taalay guutada, wuxuuna ku mashquulsanaa feylashada kiiska afduubka Amiirada.

Feyl walba ama malaf walba dhowr mar ayuu baaris ku sameeyay ugu yaraan inuu helo dun darafkeed oo uu ku dhago si ay u gaarsiiso dilaaga ubaxa guduudan, xili uu xaalad ceynkaa ku jiray ayaa waxaa lasoo xiriirtay Yaara ayadoona ku leh; “Waxaan kuu haayaa xog ku saabsan kiiska afduubka Amiirada”.

Markii hore ma uusan fahmin asigoona yiri; “Yaah?” ama wuu fahamsanaa balse hadalkeeda ayuu aamini la’sanaa, sidaa owgeed ayay hadalkeeda mar labaad ugu celisay si ay ugu xaqiijiso ayadoo leh; “Waxaan haayaa macluumaad muhiim ah oo khuseyso kiiska Amiirada”.

-Sidee? Maxaad ogaatay ma ii sheegi kartaa?

-Taleefanka kuuguma sheegi karo waa qasab inaan kulano si aan wax walba kuugu sheego.

-Xagee joogtaa adiga? Hada ayaan kuu imaanayaa.

Intaa kadib Daariq wuxuu deg-deg uga soo tagay guutadii B-6 oo uu ku sugnaa, wuxuuna u jiheystay halkii ay Yaara joogtay, shalaaytee muusan aadin, waayo iyada waxay ka hadleysaa nooca kamid ah sixirka madow oo qofka laga rabo inuu cuno hilbaha dadka dhintay, waxayna u muuqataa Yaara in cidladii ay ku nooleyd waqtigaas sabab u noqotay in caqligeeda weyso.

Haatan Daariq wuxuu kasoo tagay Yaara maskaxdiisana kuma jiraan waxaan ka aheyn hadaladii ay asiga iyo Yaara is dhaafsadeyn sdaa owgeed maadaama hadalkeeda waali la noqday madaxa ayuu ruxay si ugu yaraan afkaartaan uu maskaxdiisa uga saaro. Hagaag ma ahan inuu maskaxdiisa ku mashquuliyaa afkaartaan waa inuu xooga saaraa kiiska Amiirada iyo sidii uu ku xalin lahaa.

Wuxuu daaray Raadiyaha baabuurka codkii ugu horeeyay ee uu maqlayna wuxuu noqday; “Wali waxaa socdo dadaalada lagu raadinayo Amiirada Saara ee afduubka loo geystay…”

Idaacadii ayuu badalay si uu u dhageysto warkaas war ka duwan markii uu kanaalkii labaad geystay isla warkii ayaa ku jira; “Amiirada Saara…” dag dag ayuu u badalay kanaalka xiga; “Raadinta Amiirada la afduubtay..”

Kanaalka xiga; “Booliska oo shacabka ugu baaqay iney is dajiyaan ayagoona balan qaaday in dadaalada Amiirada lagu baadi goobayo ay laba jibaari doonaan…”. Markale ayuu badalay; “Booliska oo sheegay iney gacanta kusoo dhigeen 6 kamid ah Canaasiirta burcada argagaxisada ah ee loo yaqaano PY3 kuwaasoo ka howlgala waqooyiga dalka..”

Ugu dambeyn wuxuu helay idaacad aanan ka hadleynin kiiska Amiirada, balse akhbaarta ay sido ayadana ma ahan mid dhagaihiisa ku cusub waayo kiiska burcada PY3 wuxuuba ahaa midka ugu badan ee uu maqlay lana socday kahor afduubka Amiirada sidaa owgeed ayuu gabi ahaanba idaacadii iska damiyay.

Idaacadii ayuu iska damiyay waana siduu uu u sheegay saaxiibkiisa hada kahor, ma baahiyaan idaacadaha wax wanaagsan maanta oo dhan dhibaato qas iyo fowdo unbey ka hadlayaan.

Daariq markale ayuu fakar iska galay balse toogtaan kama uusan fakarin kiiska Amiirada la afduubtay, balse wuxuu ka fakaraya Yaara oo uu markii ugu horeysay la kulmay 7 sano kahor, wuxuuna kula kulmay xaflad iyada lagu abaalmarinayay taasoo ay soo qaban qaabisay akadamiyada booliska.

Sababta laa sharfayay ayaana waxay aheyd ayadoo lagu maamuusayay sidii ay kaalin uga geysatay gacan ku dhigista dilaa loo yaqaanay Shabxi (reer Aakhiraad) kaasoo booliska ay maaro u waayeen sidii ay ku qaban lahaayeen. Xaqiiqda dhabta ah waxay tahay in Yaara aysan booliska ka caawinin sidii gacanta loogu dhigi lahaa dilaagaan, balse iyada ayaaba howsha dhan qabatay, ka bilow in la xaqiijiyo jiritaanka dilaa ceynkaan ah, ogaanshaha qaabka uu u howgalo, ogaanshaha halka uu weerarada kasoo abaabulo, iyo ugu dambeyn gacan ku dhigistiisa.

Booliska kaliya markii ay dilaagaan gacanta ku dhigtay ayay goobta yimaadeen oo dilaaga kala wareegeen, markii dambana waxay sheegteen in booliska ka caawisay sidii dilaagaas loo qaban lahaa, cadaalad miyay u egtahay arinkaas?

FLASHBACK (SIDII AY YAARA GACANTA UGU DHIGTAY DILAAGII REER AAKHIRAADKA).

Yaara waxay aheyd gabar suxufiyad ah oo uu tababar ugu socday mid kamid ah wargeysyada yar yar ee magaalada kasoo baxa, kaasoo cid akhrisaa aysan jirin, balse waxay laheyd xamaasad aad u weyn iyo caqli aanan marnaba dagin, waxayna marwalba u hamuun qabtay la socoshada akhbaarta dhacdooyinka kuwaasoo lagu qoro dhammaan wargeysyada, waxayna Yaara aheyd mid isku xirta dhacdooyinka qaab cajiib ah ayadoona natiijo kasoo saari jirtay waxaana habka ay wax isugu xirtp dadka qaar u arki jireen iney tahay cabqariyad weyn, halka dad qaarna ay u arkeen iney tahay mid doqon ah oo waalan hab fikirkeedana waali iyo wax lagu qoslo yahay.

Balse Yaara dhammaan arimahaas ma aysan joojinin hakadna ma galinin balse taas badalkeeda waxay sii wadatay howsheeda ayadoona si tartiib tartiib ah u wadatay.

Markii ugu horeysay kahor inta aysan soo qaban dilaaga reer aakhiraadka loo yaqaano waxay la socotay dhacdo walba oo la xiriirta misna dilaagaan ku saabsan sidaas owgeed dhamaan dhacdooyinkii ay akhrisay ayay bilowday iney isku xir xirto, intaa kadibna waxaa u soo baxday in dhacdooyinkaas ay eeyihiin dhammaantood hal arin oo ay wadaagaan, waana halka ay ku ogaatay Yara inuu jiro dilaa nooca loo yaqaano Serial Killer.

Intaa kadib Yaara ayaa warqadaheedii isku keentay waxayna u jiheysatay dhankii Saldhiga Booliska, si ay ugu sheegto waxay aragtay iyo inuu jiro Serial killer, balse ma jirin hal qof oo hadalkeeda dhab u qaatay, waxayna ku mashquuliyeen balamo been ah iyo in arinta baaris ku sameyn doonaan.

Markii hore Yaara hadalada booliska wey aamintay balse markii ay aragtay in kiiska cid aaris kuwada aysan jirin ayay markale bilowday iney saldhiga booliska isaga daba noqnoqto si halista jirta ay banaanka u keento, taasina waxay keentay in ugu dambeyn arinka ay ka hadleyso dareenka booliska soo jiidato oo ayadana saldhiga looga Waco.

Yaara ayaa hab baaristeeda ku tiirsanaatay nooc gaar ah oo uu dilaaga marwalba adeegsado waxayna sheeko ka bilaabataa in dab qabsado goobta uu dilka ka dhici doono, kadibna waxaa xiga shil baabuur fariinka go’anyahay kaasoo goobta ku laaya koox gaar ah oo dilaaga u qorsheysneyd, waxaa xiga in lamaane is qabo qaab wuxuushnimo loo dilo, iyo ugu dambeyn wadada xigta oo qof dumar ah lagu dooxo.

Dhacdada ceynkaan oo kale ayaa ayadoo isla habkaan ah ka dhacday 4 magaalo oo ka tirsan boqortooyada balse waa magaalooyin kala fog fog, ma jirin cid isku soo qaban kartay arimahaan sidaas owgeed Yaara oo la socon jirtay dhamaan dhacdooyinka ay qoraan wargeysyada boqortooyada waxay arinkaan u xaqiijisay in uu jiro Serial Killer ama dilaa si taxane ah wax u dila.

Yaara markii looga yeeray saldhiga Booliska waxay aaminsaneyd in qaab lawada fahmi karo ay wax isugu xirtay gaar ahaan booliska oo arintaan looga baahnaa in si fudud u fahmaan balse markii ay saldhiga tagtay lana kulantay sargaalkii saldhiga ka talinaayay wuxuu u sheegay in ugu horeyn soo noqnoqshada jariimada aysan marnaba aheyn daliil cad oo qeexaya jiritaanka Serial Killer, asigoona intaa u raaciyay hadii hal nooc oo jariimo ah ay baaris ku sameyso ay ogaan doonto in jariimooyin badan una eg midaas ay baladka ka dhaceen taasina ma waxay ka dhigantahay dhamaan dadkaasi in hal qof dilay?

Wuxuu tusaale ugu soo qaatay hadii ay bartilmaameedsato in dhammaan kiisaska dadka xabada lagu dilay, ama jariimooyinka kufsiga amaba xatooyada iwm, qofkasta oo baaris ku sameeya wuxuu ogaanayaa in jariimooyinkaas isku nooca ah ay u dhaceen hal qaab badankooda.

Asigoo hadalka usii wado ayuu hadana u sheegay in dhacdooyinka ay soo qaadatay kuna sheegtay inuu ka dambeeyo Serial Killer kuwaasoo wargeysyada ay ka akhrisatay xaqiiqdooda aysan waxbadan kala soconin waayo dhacdooyinkaas dadkii ka dambeeyay qaarkood waa lasoo qabtay waliba waxaa jira mid kamid ah dadka lasoo qabtay oo dambigiisa qirtay, marka side la isku waafajinayaa in lasoo qabtay qofkii ka dambeeyay fal dambiyeedkaas misna dambigiisa qirto iyo jiritaanka dilaa qaab taxane wax u dila gacanta booliskana ka maqan kaasoo waliba ka dambeeyay falalkaan dadii geystay ayba qirteen?

Ugu dambeyn taliyaha saldhiga ayaa Yaara kula taliyay in waqtigeeda wax faa’iido iyada u leh ku qabsato howshaana dadka loogu talo galay ay faraha uga qaado, sidoo kalana ay iska yareeyso akhrinta ruwaayada jariimooyinka ee wargeysyada qoraan.

Yaara oo si mug leh u dhageysaneysay hadalka taliyaha sidoo kalana hab fikirkeeda aad u aaminsaneyd ayaa markii uu hadalka dhameystay ku tiri; “Hagaag waan arkaa idinka booliskiinaan ineydnaan dooneynin arintaan inaad isku mashquulisaan oo far dhaqaajin doonin sidaa owgeed howshaan aniga ayaa soo afmeeraayo”.

Taliyihii oo kaftan u heystay hadalka Yaara ayaana markaa ugu jawaabay; “Nasiib wacan”.

Yaara ayaana saldhiga Booliska isaga soo baxday ayadoona ay ka go’neyd in booliska iyo caalamkaba u xaqiijiso sida ay u saxsaneyd unan tusin laheyd khaladkooda, sidaa owgeed haatan sheekada agteeda mid masiiri a ayay ka noqotay.

Waxay joojisay in xogteeda oo dhan ku tiirsanaato warbixinada ay wargeysyada qoraan, taas badalkeedana waxay bilowday iney si shakhsiyan ayada xogta usoo aruuriso, ugu horeyn waxay bilowday iney booqato goobihii ay jariimooyinka ka dhaceen, waxaa xigay iney la kulanto shakhsiyaadkii ku dhawaa dadkii la dilay, iyo qofkasta oo xiriir la lahaa jariimadaas markii laga reebo dambi baarayaasha booliska kuwaasoo diideen in wax xog ah ay siiyaan Yaara ama ay caawiyaan markii laga reebo inyar.

Yaara marwalba oo ay horay talaabo u qaadaba waxaa sii kordheysay xaqiiqda ay aaminsaneyd taasoo aheyd inuu jiro dilaa Serial Killer ah, waxay aragtay in noocyada jariimooyinka taasoo uu ka hadlay taliyihii saldhiga iney yihiin kuwa loogu talo galay in loo fuliyo qaab cayiman sida xatooyada bangiyada oo kale, tuugada ayaa bangiyada xadaana waxay ka simanyihin qaab fulinta xatooyadaas waxaana midaas lamid ah jariimada kufsiga.

Yaara waxay ogeyd in arinkaan ay xoojineyso aragtideeda ah inuu jiro dilaa Serial Killer ah hadalka taliyaha saldhiga booliskana uusan wax sidaa u weyn aheyn, arinta ah in uu jiro mid kamid ah dadkii jariimooyinkaas geystay in gacanta lagu soo dhigay misna uu dambigiisa qirtayna waxay hubtay iney jirto dano kale oo arinkaas laga lahaa ninkaasna uusan falkaan wax gacan ah ku laheyn, sidaa owgeed waxay dhowr jeer isku dayday iney ku booqato xabsiga balse wey u suuro gali weysay arinkaas.

Mudo labo bilood ah ayay baaris waday Yaara, ilaa ugu dambeyn ay u suurto gashay iney ogaato nooca uu dilaagaan yahay, sida uu u doorto dadka uu dilaayo, waxayna awood u yeelatay iney sii adroosto goobta xigta ee uu jariimadiisa xigta ka fulin doono, hadii qiyaasteeda sax noqotana jidka ay jariimada ka dhaceyso wey si garaneysaa, haatan ayayna gaartay waqtigii xaqiiqda, dhammaana dadka maanta ayay ogaan doonaan hadii ay tahay qof waalan oo wax lagu qoslo sheegto iyo hadii ay tahay cabqariyad caqli leh oo sida wax loo taxliiliyo looga haray.

La soco qeybta 3aad…

Waxaa Diyaariyay; Cabdiraxmaan Xassan Anteeno.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here