Home » Sheekada Filimada » Sheekada filimka Agnyaathavaasi: Pawan Kalyan taageerayaashiisa kaliya ayuu anfacaa filimkaan!

Sheekada filimka Agnyaathavaasi: Pawan Kalyan taageerayaashiisa kaliya ayuu anfacaa filimkaan!

Power Star Pawan Kalyan waxaa maanta tiyaatarada loo saaray filimka Tollywood-ka ah Agnyaathavaasi ee uu hogaamiye ka yahay waana filim si weyn loo sugaayo sidoo kalena lacagihii ugu badnaa ebid kooxda cajaladaha qeybiyaan ku iibsadeen marka Baahubali  meel la iska dhigo.

Jilaayaasha filimka Agnyaathavaasi: Pawan Kalyan, Keerthy Suresh, Anu Emmanuel, Kushboo, Aadhi Pinisetty iyo Boman Irani

Director: Trivikram Srinivas

Waqtiga uu soconaayo: 2-saac iyo 38-daqiiqo

Fariinta Filimka Agnyaathavaasi Xambaarsan Yahay: Govinda (Boman Irani) waa Bilyaneer iska leh shirkada Hindiya ugu caansan balse nasiib daro isaga iyo wiilkiisa dil ayaa loo geesanaa si hantidooda loola wareego.

Abhishekta Bhargav (Pawan Kalyan) waa wiil aan qoyska awooda badan ka tirsaneyn laakiin marka reerkiisa la dilo banaanka usoo baxaayo si uu ugu aargudo wuxuuna u istaagaa eedadiis Indrani (Kushboo) sidii uu ku difaaci lahaa nafsadeeda iyo hantida reerkiisa.

Filimka Agnyaathavaasi qeybihiisa dambe waxaa loo daawan doonaa sida Abhishekta Bhargav (Pawan Kalyan) uu kiiska dilka reerkiisa u baari lahaa uguna aar gudi lahaa ayadoo dilkaan looga shakisan yahay  Sharma (Murali Sharma) iyo Varma (Rao Ramesh).

Maxaa laga yiri fariinta filimka Agnyaathavaasi: Director Trivikram dadaal wacan ayuu sameeyay asigoo diirada saaran tayeynta doorka Pawan Kalyan balse markaan filimkiisa wuxuu ka hilmaamay hadalada iskulu leysiga iyo inuu filimka mid qiiro leh ka dhigo.

Waa macquul in Pawan Kalyan taageerayaashiisa filimkaan ka helaan balse dadka caadiga ah ee aflaanta Telugu jecel masoo dhaweyn doonaan madaama Agnyaathavaasi uu yahay filim aan qiiro laheyn oo Action-kiisa wacan yahan Pawan Kalyana si wacan u jilay.

Bandhiga Jilaayaasha Filimka Agnyaathavaasi: Pawan Kalyan si wacan ayuu u jilay filimkaan asigoo doorkiisa ku kabay waaya aragnimadiisa fanka balse markaan hadalo soo jiidasho leh ma adeegsanayo waana mida ku niyad jebineyo inkastoo masuuliyada filimkan uu kasoo baxay.

Khushboo door adag ayaa filimkaan laga siiyay waana haweeneey karti badan oo Pawan Kalyan si wacan ula jaan qaaday.

Aadhi doorkiisa laadarka ah waa mid aan la loodin karin xarakaadna u dheer yihiin, laakiin atirishooyinka filimkaan wax muhiimad ah kuma lahan sida Keerthi iyo Anu oo aan doorarkooda la xasuusan doonin!

Gunaanad: Filimka Agnyaathavaasi sheekadiisa oo liidato iyo asigoo xambaarsan lacago aad u fara badan oo ay kooxda cajaladaha qeybiyaan ku iibsadeen waxay u badan tahay mar sedexaad oo xariir ah in Pawan Kalyan guuldaro qaadan doono madaama filimadiisii Sardaar Gabbar Singh (2016) iyo Katamarayudu (2017) ay guul dareesteen.

Filimka Agnyaathavaasi sheekadiisa qiimeyn ahaan waxaa la siiyay 2.5/5 taasi oo ka dhigan in fariintiisa ay liidato heerkii laga rabay taagneyn

Fadlan hoos kaga bogo goos gooska filimka Agnyaathavaasi ee maanta tiyaatarada la saaray: