Stylish Star Allu Arjun wuu soo laabtay waxaana loo qabaa hamuun weyn in shaashada lagu daawado madaama filimkiisii ugu dambeeyay 2018 ahaa sidaa darteed Superstar-kan weyn waxaa maanta tiyaatarada loo saaray filimka fariinta arimaha qoyska iyo Action-ka xambaarsan laguna magacaabo Ala Vaikunthapurramuloo.

Director: Trivikram 

Waqtiga uu soconaayo: 2-saac & 2-daqiiqo

Jilaayaasha filimkan: Ally Arjun, Pooja Hedge, Tabu, Murli Sharma, Jayram, Sushanth A iyo jilaayaal kale.

Fariinta Filimka AV Oo Kooban: Valmiki (Murali Sharma) wiilka uu dhalay Sushant wuxuu ku badalaa mudanihiisa Jayram wiilka uu dhalay ee lagu magacaabo Bantu (Allu Arjun) labadan wiil marka ay isbitaalka ku dhashaan ayaa la kala badalaa.

Sidaa darteed Bantu (Allu Arjun) wuxuu kusoo koraa nolol iska dhex dhexaad ah inkastoo ninka taajirka ah ee shikada ARK Group maamulo Jayram uu aabo u yahay halka wiilka kale Sushant isagana nolol heer sare ah ku nool yahay inkastoo aabihiisa dhabta ah nolol dhex dhexaad ah ku nool yahay.

Balse Bantu (Allu Arjun) wuxuu aad ugu dhawanaa qoyska uu kasoo jeedo ee hantida heestaan laakiin marwalbo aabihiis ayaa xakameenayo oo u sheegayo inuusan is raac raacsiinin noloshaas madaama dadkiisa faqiiri yihiin.

Balse ugu dambeyntii Bantu (Allu Arjun) wuxuu ogaanaa in hantiilaha weyn Jayram uu aabo u yahay wuxuuna go’aan ku gaaraa qoyskaan balaaran ee taajirka ah balse xumaan badan dhex taalo inuu mideeyo sidoo kalena shirkada ARK Group ee aabihiis iska leeyahay halista kusoo fool leh ka xigsado madaama la rabo in lala wareego si sharci daro ah.

Bandhiga Jilaayaasha: Allu Arjun wuxuu la yimid bandhig cajiib badan oo weliba qoysaska uu qalbiga kaga xadi doono, qaabka uu u shactireenayo waa heer sare, daganaanta uu muujinaayo ayaaba kasii daran, sida caadiga ahna xarakaad iyo Action laguma gaaro wuxuu kaloo dadka kaga yaabsan doonaa dareenka qiirada badan uu shaashada ku matali doono. Pooja Hedge door wanaagsan ayaa la siiyay weliba halka saac hore saameyn wacan ayay ku leedahay filimkan. Murali Sharma iyo Jayram kaalin muuqato ayay mashruucan ka qaateen. Dhamaan jilaayaasha kale ee doorarka caawiyaha ah kasoo muuqdeen haba ugu horeyso Tabu iyo Samuthrakani, Sushanth, Nivetha Pethuraj, Sachin Khedkar, Harshavardhan, Sunil, Vennela Kishore kaalintooda waa mid wanaagsan.

Muxuu Ku Wanaagsan Yahay Filimka Ala Vaikunthapurramuloo:

Mada daalada dhameestiran ee uu leeyahay iyo fariinta qoysaska qiirada badan ee heerka sare ah.

Bandhiga Allu Arjun oo aan inaba caadi ahayn.

Muusiga filimkan oo heer sare ah iyo hadalada la adeegsanayo oo murti u badan.

Muxuu Ku Liitaa Filimka AV:

Malahan laadar awood badan

Sidoo kalena fariintiisa ma ahan wax cusub.

Qiimeynta Sheekada Filimka Ala Vaikunthapurramuloo: 3.5/5 (Sedex xidig & bar).

Gunaanad: Director Trivkam wuxuu mudan yahay abaal lixaad leh fariin sahlan oo maangal ah aadna u dagan ayuu doortay qoysaskana loogu tala galay waa hubaal qof walbo oo daawado mashruucan inuu ka heli doono una dheer tahay xarakaadka Allu Arjun waxaana filimkan daawashadiisa lagu soo beegay xili feestada Sakranth ka jirto Koonfur Hindiya waxayna ka dhigan tahay ganacsi balaaran inuu sameyn doono inkastoo loolan adag uu kala kulmi doono filimada haatan masraxa saaran.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka Ala Vaikunthapurramuloo adigaaba in badan ka heli doontid:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here