Irrfan Khan wuu soo laabtay kadib markii uu kasoo kabtay xanuunka kansarka haatana masraxa waxaa loo saaray filimka Angrezi Medium waa qaybta labaad filimkiisii Hindi Medium ee sanadii 2017 ku qaatay abaal marino kala duwan sidoo kalena HIT noqday waxaana qaybta labaad lagu soo daray atirishada awooda badan Kareena Kapoor Khan taasi oo ka dhigan in qaybta labaad mid weyn laga dhigay wax weyna laga filaayo.

Jilaayaasha filimkan: Irrfan Khan, Deepak Dobriyal, Radhika Madan, Kareena Kapoor Khan, Ranvir Shorey, Kiku Sharda, Dimple Kapadia, Pankaj Tripathi

Director: Homi Adajania

Waqtiga uu soconaayo: 2-saac & 25-daqiiqo.

Fariinta Filimkan Oo Kooban: Champak (Irrfan Khan) waa nin iska qalbi wanaagsan kuna nool Rajashthan waxaana u joogto gabbar wax baratay oo rabto nolosha hormar inay ka gaarto waana Tarika (Radhika Madan) waxayna leedahay riyooyin waa weyn mana ahan sida aabaheed qof ku qanacsan nolosha dabaqada hoose ku nool yihiin.

Dhinaca kale Champak (Irrfan Khan) waxay walaalo yihiin nin dhib badan oo lagu magacaabo Gopi (Deepak Dobriyal) waxayna isku heestaan hal dukaan oo ay dhaxal ahaan u heleen waxaana dukaanka gacanta ku dhigaayo Gopi (Deepak Dobriyal) kadib markii kiiskooda maxkamada Gopi (Deepak Dobriyal) ku guuleesanaayo asigoo laaluush bixinaayo sidaas oo ay tahay labadan walaalaha ay makala haraan marwalbana waqti ayay isla qaataan.

Ugu dambeyntii Champak (Irrfan Khan) gabadhiisa imtixaanaadka ayay ku guuleesaneysaa waxayna heleysaa waxbarasho jaamacad London loo aadayo balse aabaheed ayaa deeqdii waxbarasho kaga cayaarayo kadib markii u aflagaado u geesanayo masuuliyiinta deeqda waxbarasho siiyeen xili xaflada gabadhiisa deeqda waxbarasho lagu siinayo loogu wacaayo!

Champak (Irrfan Khan) iyo gabadhiisa wey kala xumaanayaan balse wuxuu go’aan ku gaaraa gabadhiisa Tarika (Radhika Madan) inu London geeyo halkaasna waxbarasho ka bilaawdo waxaana garab siinayo walaalkiis Gopi kadibna waxay la xariirayaan Bablu (Ranvir Shorey) kaasi oo London ku nool si gabadhiisa waxbarashadeeda kaga bur burin kadibna waxaa loo xalinaa fursad ay London kusoo aadayaan sedexdooda.

Balse nasiib daro marka ay Airport-ka London kasoo dagaan Champak iyo Gopi waxaa lagu qaldaa burcad daroogada ka ganacsato waxayna gacanta u galayaan booliska ay Kareena Kapoor Khan hogaamiso xaruntooda London tahay halka Champak gabadhiis Tarika iyada kaligeed London lagu sii deenayo.

Haddaba filimkan qeybihiisa dambe waxaa loo daawan doonaa in Champak iyo walaalkiis Hindiya loo musaafirinaayo, sidii London ugu soo laaban lahaayeen, garabka Kareena siin doonto iyo Tarika kaligeed sida ay nolosha London ula qabsan doonto halkaasna wax uga baran karto.

Maxaa Laga Yiri Fariinta Filimkan: Director Homi Adajania fariin waaqici ayuu doortay oo ka hadleyso jiilka dhalinta yar sida ay qurbaha u jecel yihiin inay u safraan ayagoo og in qoysaskooda garab ku siin karin riyooyinkooda iyo dhibaatooyinka ay leedahay, sidoo kalena qaabka fariinta loo dhigay waa hab wacan oo qof kasto fahmi karo waxaana kusoo jiidanayo shactirada, dareenka qiirada badan iyo xiirka ka dhaxeeyo aabo iyo gabadhiisa.

Bandhiga Jilaayaasha: Inaba caadi ma ahan Irrfan Khan hogaamintiisa filimkan waa aabo qalbiga xanuun ka dareemayo balse daawadayaasha marna farxad galin doono oo ka qosolsiin karo marna dhibaatadiisa gaarka ah qof walbo ku qiiro galin karo waa hubaal in bandhigiisa siweyn loo hadal heyn doono. Shactiroole Deepak Dobriyal waaba cusbada filimkan isaga Irrfan is fahanka ka dhaxeeyo, kaftankooda iyo dagaalka u gaarka ah ayaa ah waxa ugu weyn mashruucan loo daawan doono.

Radhika Madan oo Irrfan gabadhiisa ku jileyso iyadana gabadhan door adag ayay qaadatay waana lagu amaanay bandhiga micnaha leh oo ay shaashada la hor timid. Kareena Kapoor Khan doorkeeda askariga mayalka adag ee Naina loogu yeerayo waa heer sare balse muuqaal ahaan ma badno waxaa fiicnaan laheyd in doorkeeda la balaariyo hubanti ahaan xiiso dheeraad ah ayuu sii yeelan lahaa.

Muxuu Ku Wanaagsan Yahay Filimka Angrezi Medium:

Is fahanka Irffan iyo Deepak Dobriyal inaba caadi ma ahan shactiradooda iyo dagaalkooda.

Xiriirka aabo iyo gabadhiisa ka dhaxeeyo oo qiiro badan sidoo kalena ah arin waaqici ah.

Waxaa la isku dheeli tiray shactiro, dareen qiiro badan iyo fahanka nolosha oo qof walbo taabaneyso.

Muxuu Ku Liitaa Filmkan:

Waxaa fiicnaan laheyd filimkan in 15-daqiiqo waqtigiisa laga dhimo si muuqaalada aan loo baahneyn meesha looga saaro.

Sidoo kalena dhacdooyin ama doorar kale oo aan laa baahneyn ayaa filimkan qaybihiisa dambe lagu badiyay waxaa fiicneyd oo kaliya in diirada la saaro aabo iyo gabadhiisa sida ay ku midoobi karaan.

Qiimeynta Sheekada Filimkan: 3.5/5 (Sedex xidig & bar)

Gunaanad: Angrezi Medium waa filim fariintiisa waaqici tahay shactirada u dheer tahay sidoo kalena hogaamiyaasha mashruucan bandhig heer sare ah la imaadeen waa hubaal dadka reer magaalka ah ee filimkan loogu tala galay inay soo dhaweyn doonaan balse waqtiga daawashadiisa lagu beegay ma ahan xili wanaagsan madaama Hindiya cabsi xoogan ka jirto Coronavirus-ka inuu dadka ku dhex faafo qaar ka mid ah tiyaatarada gobolada qaar waa la xiray marka ganacsigiisa waa qasab in laga dareemi doono tiyaatarada la xiray, nasiib wacan kooxda filimkan:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here