Home » Sheekada Filimada » Sheekada filimka Badhaai Ho: Ayushmann Khurrana markale wuxuu la yimid filim fariintiisa heer sare tahay

Sheekada filimka Badhaai Ho: Ayushmann Khurrana markale wuxuu la yimid filim fariintiisa heer sare tahay

Jilaaga soo caan baxay Ayushmann Khurrana sanadii 2012 wuxuu Bollywood-ka kusoo galay filimka sheekadiisa la wada jeclaaday VICKY DONOR, kadibna wuxuu sameeyay aflaan sheeko ahaan waaqici ah siweyn weyna loo wada jeclaaday waxaana ka mid ah SHUBH MANGAL SAAVDHAN, Bareilly Ki Barfi iyo ANDHADHUN.

Haatana Ayushmann Khurrana waxaa tiyaatarada loo saaray filimka BADHAAI HO ma noqon doonaa mid fariintiisa wacan tahay oo markale daawadayaasha ku qasbo inay tiyaatarada usoo daawasho tagaan?

Jilaayaasha filimkan: Ayushmann Khurrana, Gajraj Rao, Neena Gupta, Sanya Malhotra, Rahul Tewari, Sheeba Chaddha, Surekha Sikri,

Director: Amit Ravindernath Sharma

Waqtiga Uu Soconaayo: 2-saac iyo 6-daqiiqo.

Fariinta Filimka Badhaai Ho Oo Kooban: Badhaai Ho waa filim ka hadlaayo sheeko la yaab leh oo qoys kusoo kordheyso iyo sida ay ula tacaali karaan qaabka bulshada wax kaga sheegayaan iyo qabantigooda gaarka ah.

Nakul Kaushik (Ayushmann Khurrana) wuxuu kasoo jeedaa Delhi waxayna qoyskiisa ka kooban yihiin aabihiis Jeetender aka Jeetu (Gajraj Rao), hooyadiis Priyamvada (Neena Gupta), ayeydiis (Surekha Sikri) iyo walaalkiis ka yar Gullar (Shardul Rana).

Nakul Kaushik (Ayushmann Khurrana) wuxuu xiriir jaceyl kala dhaxeeyaa gabadha ay kuleej-ka isla dhigtaan Reene (Sanya Malhotra) si fiicana wey isku fahansan yihiin.

Si lama filaan ah Nakul Kaushik (Ayushmann Khurrana) hooyadiis Priyamvada (Neena Gupta) oo da’ahaan horey u badatay ayaa maalin xanuunsaneyso waxaana la geynaa isbitaal wuxuuna dhaqtarka qoyska u sheegaa in hooyo Priyamvada (Neena Gupta)uur leedayahy haba iska weynaato ama haka jirto da’da haweenka ku dhalmo gooyaan!

Haddaba Nakul Kaushik (Ayushmann Khurrana) iyo aabihiis Jeetu (Gajraj Rao) waxay ku noqoneysaa lama filaan weyn in maamada reerka uur yeelatay ayadoo duq ah balse aabo Jeetu (Gajraj Rao) wuxuu og yahay 19-todobaad ka hor isaga iyo xaajiyadiisa mar inay dareen jaceyl sameeyeen xili ay gabay jaceyl oo hees ah wada qaadayeen.

Hooyo Priyamvada (Neena Gupta) dhaqtarka wuxuu kula talinaa inay uurka iska soo rido madaama ay waayeel tahay uurkana xamili karin waxaana la siinaa sedex ilaa afar maalmood inay arinkan kasoo fikirto.

Laakiin hooyo Priyamvada (Neena Gupta) waxay iska diidee inay ubadkeeda soo riddo waxayna go’aan ku gaareen inay uurkeeda sii lahaato ubadkeedana dhasho!

Sidaa darteed Nakul Kaushik (Ayushmann Khurrana) bulshada uu la nool yahay ayuu war xamadooda ka joogi weynaa madaama uu isaga guur doon ahaa ay hooyadiis waayeel ah dhalmo isku diyaarineyso, waxaana filimkan loo daawan doonaa qaybaha xiga waxa dhici doono shactiro, jah wareer iyo dareen qiiro badan oo farxad iyo murug isugu jirto.

Maxaa Laga Yiri Qaabka Fariinta Filimka Badhaai Ho Loo Dhigay:

Director Amit Sharma si wacan ayuu sheekada filimkan isugu daba riday waxyar wuxuu caajis ka muuqdaa nuska saac hore laakiin wixii intaas ka dambeeyo dhacdo walbo filimkan ku jirto indhaha lagama qaadi karo habka xiisaha leh ee loo dhigay.

Waxaa ugu weyn ee filimkan caawinaayo sheekadiisa ayaa ah in la isku dheeli tiray shactirada, muruqada iyo farxada waana mashruuc dhan walbo ka dheeli tiran oo sheeko ahaan si maan gal oo qof walbo ka heli karo loo sameeyay.

Bandhiga Jilaayaasha: Ayushmann Khurrana faraha halaga qaado waa atoore darajo gaar ah gaaray run ahaantii jiilka maanta Bollywood-ka heestaan isaga ayaa ugu jiliin qatarsan haddana lama buun buuniyo waa atoore door walbo sameyn karo hubanti ahaan maqaam sare ayuu ku gaari doonaa qaabka uu filimkan u matalay.

Atirishada dhalinta yar Sanya Malhotra doorkeeda waa wanaagsan yahay laakiin muuqaal ahaan filimkan kuma badno sidaa darteed saameyn xoogan mashruucan kuma lahan.

 Neena Gupta hooyada uurka yeelanayo ayadoo waayeel ah waa ruuxda filimkan inaba caadi ma ahan sida ay doorkeeda u matashay murugada, farxada iyo weliba qaabka ay shactirada kaga qayb qaadaneyso.

Gajraj Rao aabaha filimkan isagana shactiradiisa ayuu ku meel maraa waxaana jiraan muuqaalo badan oo uu si kal iyo laab ah hadal ahaan iyo ficil ahaan kaaga qoslin doono duqaan.

Surekha Sikri oo iyadana doorka ayeeyada mataleyso lama hagranin waa qasab inaad u sacaba tumi doonto kaalinta ay qaadatay hadalada la siiyay iyo shactirada ay sameeneyso.

Muxuu Ku Wanaagsan Yahay Filimka Badhaai Ho:

Fikradiisa ama fariinta uu xambaarsan yahay oo ah mid bulshada aflaanta daawato ku cusub.

Bandhiga Ayushmann Khurrana iyo dhamaan jilaayaasha filimkan oo heer sare ah.

Filim dheeli tiray shactiro, muusig iyo dareen qiiro badan oo qoysaska siweyn kaga heli doonaan.

Muxuu Ku Liitaa Filimka Badhaai Ho:

Akshat Ghildial iyo Shantanu Srivastava sheeko Bollywood-ka ku cusub ayay qoreen balse reer magaalka kaliya ayay ugu tala galeen waxaa yara fiicneyd in laga dhigo filim dadka miyiga ku nool xitaa fariin ahaan quseyso.

Halka saac ee hore sheekada filimkan saameyn malahan gaar ahaan nuska saac hore balse dhaliishaas waxaa lagu hilmaamaa marka sheekada isku daba dhacdo in ficil walbo xiiso iyo xamaasad leeyahay.

Qiimeynta Sheekada Filimka Badhaai Ho: 3.5/5 (Sedex xidig iyo bar)

Gunaanad: Badhaai Ho waa filim fikrad cusub xambaarsan shactiro dhameestiran leh una dheer tahay dareen qiimo badan kana baxsadeen kaalintooda jilaayaasha filimkan waa hubaal in Boxoffice-ka uu wacdaro xoogan ka dhigi doono.

Fadlan hoos kaga bogo goos gooska filimka Badhaai Ho oo siweyn looga wada helay qaabka fariintiisa loo dhigay: