Filimka Bala ayaa maanta tiyaatarada la saaran waana mashruuc ka hadlaayo fariin xasaasi ah kuna saabsan wiil dhalinyaro ah oo xili hore bidaar galeyso sida uu nolosha ugu dhibtoonayo marka uu nafsadiisana ku qanco wax u qabsoomayaan iyo arimaha xiligaan bulsho weynta aduunka heesato kuna aadan in timaha la beerto oo bidaarta lala dagaalo.

Jilaayaasha filimkan: Ayushmann Khurrana, Yami Gautam, Bhumi Pednekar, Saurabh Shukla, Abhishek Banerjee, Jaaved Jaaferi, Seema Pahwa, Dheerendra Gautam

Director: Amar Kaushik (waa shaqsigii sameeyay filimkii Stree ee sanadka hore Blockbuster-ka noqday).

Waqtiga uu soconaayo: 2-saac & 9-daqiiqo.

Fariinta Filimkan oo kooban: Sanadii 2005 waxaa jiray wiil yar oo lagu magacaabo Balmukund Shukla aka Bala (Sachin Chaudhary) kuna nool deegaanka Kanpur kaasi oo muuqaalkiisa soo jiidashada badan iyo timahiisa ku faano waana mid caan ka ah iskuulkiisa sidoo kalena gabdhaha aad ayay u jecel yihiin. Wuxuuna ku caan yahay inuu quruxdiisa dhalinta ugu faano gaar ahaan timahiisa dhalaalka badan wuxuuna inta badan sameeyaa inuu ku maadeesto oo uu quruxdiisa ugu faano gabadha ay dariska yihiin waxna isla bartaan ee lagu magacaabo Latika (Saniya Touqeer).

11-sano kadib ama 2016 wiilkii yaraa ee kibirka badnaa wuxuu noqonaa Bala (Ayushmann Khurrana) kaasi oo ku dhacday in timaha ka daataan bidaarna yeesho xili hore asigoon da’da bidaarta gaarin wuxuuna la shaqeeyaa kooxda suuq geynta ee soo saarto kareemka la isku qurxiyo. Dhinaca kale gabadhii yareed iyadana waxay noqoneysaa 11-sano kadib Latika (Bhumi Pednekar) iyadana waa qareen ama abuukaate laga cabsado sidoo kalena iyada iyo Bala maba is arki karaan madaama markii ay yareed uu ku maadeesan jiray fool xumadeeda isagana isla qurux badnaa xiligaas.

Bala wuxuu adeegsanaa xirfad walbo oo u timaha kusoo ceshan karo laakiin wax u shaqeenayo malahan si walbo oo uu daawo dhireed ama mi kiimiko ah u marsado timaha uma soo laabanayaan halka xal uu timo ku heli karo waa in timaha loo beero ama loo talaalo laakiin wuxuu qabaa xanuunka macaanka ama sokorta sidaa darteed timo beeris ma gali karo oo caafimaadkiisa ayaa halis ku imaanayo.

Bala marka uu xal waayo aabihiis ayaa kula talinaayo inuu buruuko xirto ama timo been ah soo iibsado oo uu bidaarta ku qarsado kadibna sidaas ayuu sameynaa wuxuuna aadaa deegaanka Lucknow madaama halkaas shirkada uu la shaqeeyo ku duubeyso xayeysiin kareemkooda lagu suuq geenayo waxaana muuqaalkan laga duubaa gabadha laga daba dhacay Pari Mishra (Yami Gautam) waxayna caan ka tahay Tik Tok-ga sidoo kalena Bala aad ayuu kaga helaa.

Inta ay shaqada ku guda jiraan ayay is baranayaan kadibna wuu shukaansanaa waxaana dhaceyso in si dhaqsi ah isku jecleenayaan kadibna xiriir jaceyl oo is fahan heer sare ah ku dheehan ayaa dhex maraayo. Bala marka uu xaqiiq sado in jaceylka Pari Mishra (Yami Gautam) dhab ka yahay wuxuu gar waaqsanaa in la joogo xiligii uu runta u sheegi lahaa una bandhigi lahaa inuu bidaar leeyahay oo timaha u wato buruuko yihiin. Laakiin marka uu Bala is dhaho wax walbo u sheeg Pari Mishra (Yami Gautam) wuxuu ogaanaa inay tahay qof quruxda iyo dhal dhalaalka aaminsan wuxuuna ka cabsanaa haddii uu sirtiisa dhabta ah la wadaago inay ku daadiso oo ay wado cad kaga tagto. Sidaa darteed bidaartiisa ayuu iska qarsanaa waxaana dhaceyso lamanaahan qoysaskooda inay kulmayaan kadibna waxaa lagu balamaa in guurkooda la dhigo sida ugu dhaqsiyaha badan.

Haddaba qaybaha dambe filimka Bala waxaa loo daawan doonaa Bala maxaa qabsan doono marka ay ogaato Pari Mishra (Yami Gautam) inuu bidaar leeyahay, sidoo kale gabadhii yaraantiisa isla koreen laakiin uu xumeeyay iyadana marka ay weenaatay waa Latika (Bhumi Bednekar) door noocee ah ayay noloshiisa ku yeelan doontaa marka dhibaato badan dhexda ka galo.

Maxaa Laga Yiri Fariinta Filimka Bala: Niren Bhatt qaabka uu sheekada u qoray waa heer sare waa fariin sahlan oo qadiyad taagan ka hadleyso. Sidoo kale Director Amar Kaushik qaabka uu agaasimay filimkan inaba caadi ma ahan sanadkii hore Stree ayuu nooga yaabsaday markaana Bala oo fariin muhiim ah ayuu si heer sare ah u agaasimay weliba muuqaalada qaar ayagoo shactiro ah ayay hadana isku badalayaan kuwo murugo badan waana arin dhib badan halmar in hal muuqaal lagu agaasimo marna farxad marna murugo sidoo kalena qoysaska iyo dhalinyarada si isku mid ah ayay filimkan kaga heli doonaan dhan walbo fariintiisa meelaha ay taabaneyso.

Bandhiga Jilaayaasha: Ayushmann Khurrana waa xidig ku naadir ah Bollywood-ka marka laga hadlo fariimaha uu dooranayo haddana waxaaba kaaga sii daran filim walbo uu la imaado doorka uu ku matalaayo in 100% uu kaga run sheego Bala waa filim magac ahaan noloshiisa ka hari doonin inaba caadi ma ahan cashtirada iyo murugada qalbigiisa ku jirto sida uu banaanka usoo dhigay marna wuxuu kaaga qoslinaa in 200 oo jeer ka badan daawo dhiriid iyo mid bacrimis ah madaxa loo marinaayo si timaha ugu soo dhashaan qaarkood waa kuwo loo adeegsado inay timaha badiyaan isna timo inay usoo bixiyaan ayuu ka raadinaa (kkk kkk) waxaa kalo xanuun badan murugada uu qalbiga ku wato iyo cuqda nafsiga heesto iyadana waa arin kale oo uu si heer sare ah u matalay. Ugu dambeyntiina sida uu u xanaaq badan yahay iyo sida uu u qiiroonayo ayaanba caadi ahan xidigan.

Bhumi Pednekar halka saac hore saameyn badan malahan laakiin halka saac dambe wacdaraha ay shaashada ka dhigtay waxaa la dhihi karaa waa doorkeeda ugu saameynta badan atirishadan dhawaanahan sameyso ee kartida badan balse aan la buun buuninin.

Dhinaca kale Yami Gautam iyadana door heer sare ah ayay filimkan ka qaadatay qaabka ay isugu ekeysiiyay matalkeeda shaashada, lahjada ay adeegsaneyso iyo halka saac dambe sida qiirada badan oo ay kaalinteeda filimkan kaga qaadatay.

Sachin Chaudhary iyo Saniya Touqee oo ah caruurta matalayaan Ayushmann iyo Bhumi marka ay yar yihiin iyagana doorarkooda waa heer sare halka Saurabh Shukla oo Ayushmann aabihiis ku matalaayo filimkan isagana shactiradii lagu yaqiinay shaashada la imaaday doorkiisana wuu wacan yahay. Sidoo kale Jaaved Jaaferi doorkiisa wuu wanaagsan yahay balse waqti badan kuma lahan. Sidoo kale Ayushmann walaalkiis dhabta ah Aparshakti Khurana isagana hal muuqaal oo aad u shactiro badan ayuu ku leeyahay filimkan.

Muxuu Ku Wanaagsan Yahay Filimka Bala:

Fariintiisa sida sahlan loo dhigay oo aad u wacan iyo qof walbo oo siweyn u qiiroon doono halka saac dambe sidoo kalena ahna arin waaqici ah oo bulshada taabaneyso.

Bandhiga Ayushmann oo mid Classic ah kaasi oo waligiis lagu xasuusan doono sida uu u matalay xidigan.

Agaasinka Director Amar Kaushik oo heer sare ah dhan walbo.

Muxuu Ku Liitaa Filima Bala Fariin Ahaan:

Xoogaa halka saac dambe waxaa ku jiraan muuqaalo habacsanaan ka muuqato.

Muusigada filimkan ma ahan mid saameyn weyn leh inkastoo ay ku jiraan heeso waaqici ah.

Qiimeynta Sheekada Filimka Bala: 3.5/5 (Sedex xidig iyo bar)

Gunaanad: Ayushmann Khurrana hubanti ahaan guulihiisa xariirka ah wey sii socon doonaan wuxuuna la yimid Bala oo sumcadiisa sameynta aflaanta tayada wanaagsan sare usii qaadi doono kani waa xidig kaasi oo yaqaan badeecada saxda ah ee daawadayaasha Hindiga ah xiligan laga gadi karo!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here