Home » Sheekada Filimada » Sheekada filimka Bharat Ane Nenu: Mahesh iyo Director Koratala Silva sheeko cajiib badan ayay la imaadeen

Sheekada filimka Bharat Ane Nenu: Mahesh iyo Director Koratala Silva sheeko cajiib badan ayay la imaadeen

Suldaanka Tollywood-ka Mahesh Babu wuu soo laabtay markaana wuxuu la yimid fariin u qalanto awooda uu fanka Koonfur Hindiya ku leeyahay waana filimka Bharat Ane Nenu.

Mahesh Babu garabkiisa midig waa Directror Koratala Silva marwalbo oo ay midoobaana waxay la imaadaan mashruuc adag oo saameyn weyn reebo.

Mahesh iyo Director Koratala waxay sanadii 2015 Tollywood ku qabsadeen filimkoodii Blockbuster-ka weyn noqday Srimanthudu, markaana waxaa laga filaa in Bharat Ane Nenu mashruuc kale oo xiiso badan noqdo.

Jilaayaasha filimkaan: Mahesh Babu, Kiara Advani, Prakash Raj iyo kuwo kale

Director: Koratala Silva

Waqtiga uu soconaayo: 2-saac iyo 53-daqiiqo

Qiimeynta sheekada filimka: (3.5/5) Sedex dhibcood iyo bar

Fariinta Filimka Bharat Ane Nenu Oo Kooban: Bharat (Mahesh Babu) waa wiil London kusoo bar baaray sidoo kalena weli aan dooranin noloshiisa waxa uu qabanaayo kadib qalin jinbintiisa wax barashada.

Bharat marka u aabihiis geeriyoodo si lama filaan ah waxaa loogu dooranaa inuu wasiir ka noqdo gobolka Andhara Pradash ee aabihiis hogaamiye ka ahaa.

Bharat wuxuu dhexda ka galaa nolol siyaasad, mid wasaqeesan iyo mid wajiyo badan leh waxaana laga rabaa inuu iska xaliyo xujo walbo oo soo wajaheyso madaama uu ku fariistay kursi bahal walbo indhaha ku haayay.

Bharat wuxuu garab ka helaa xisbiga ninka madaxda u ah Varadarajan (Prakash Raj) oo ku boorinaayo inuu hogaanka xisbiga la wareego iskana dhigo nin dadka iska dhicin karo.

Bharat wuxuu ku noqdaa xeerkii ay hooyadiis kusoo bar baarisay oo ah in marnaba uusan balan qof bini aadan ah uu ka qaaday jebinin ama oofinteeda kasoo bixi weynin ayadoo siyaasada dabeecad u tahay in balamaha la isaga baxo!

Maxaa Laga Yiri Bandhiga Mahesh Babu La Yimid: Inaba caadi ma ahan Suldaan Tollywood-ka wuxuu helay filim awoodiisa iyo maqaamkiisa u qalmo weliba si heer sare ah ayuu kaga baxsaday dhan walbo.

Prakash Raj (See rabtaa) isagana door heer sare ah ayuu filimkaan ka qaatay waana shaqsi labaad ee ugu saameynta badan filimkan.

Atirishada Kiara Advani oo Bollywood-ka ka timid iyadana doorkeeda waa mid xadidan oo saameyn weyn kuma lahan filimkaan qoraalkiisa sheekada Mahesh loogu wada deeqay.

Maxaa Laga Yiri Fariinta Filimka Bharat Ane Nenu: Director Koratala wuxuu mudan yahay in loo sacabo tumo waayo fariintiisa iskama qalbo marwalbana mashruuc saameyn adag la imaado ayuu sameeyaa sidoo kalena guushiisa waa 100%.

Director Koratala wuxuu horey sameeyay sedex filim oo hirgaleen Mirchi (Prabhas), Srimanthudu (Mahesh Babu) iyo Janatha Garage (NTR) haatana wuxuu la yimid Bharat Ane Nenu oo sheekadiisa la wada amaanay una badan tahay inuu guul weyn gaari doono.

Gunaanad: Wada shaqeynta Mahesh Babu iyo Director Koratala sidii laga filaayay ayay noqotay madaama mashruucooda cusub dhan walbo laga amaanay waxaana la filaa in filimkaan Hit weyn noqdo weliba ayadoo fagta hore uu si waali ah ku furmay.

Mahesh wuu soo laabtay fariin adagna wuu la yimid markaana waa qasah in Bharat Ane Nenu noqon doono Hit-kii uu u baahnaa.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka Bharat Ane Nenu:

4 Responses to Sheekada filimka Bharat Ane Nenu: Mahesh iyo Director Koratala Silva sheeko cajiib badan ayay la imaadeen

  1. gabayre

    April 20, 2018 at 10:23 pm

    sxp sakariye waxaa kaa khaldan waqtiga uu filimku soconayo iska sax adoo mahadsan

  2. akshy

    April 20, 2018 at 10:24 pm

    sxp sakariye waxaa kaa khaldan waqtiga uu filimku soconayo iska sax adoo mahadsan

    • Zakarie Abdi

      April 20, 2018 at 10:27 pm

      Waad mahad santahay waan saxay.

  3. huu

    April 21, 2018 at 8:13 am

    sxb filmka muxuu ku liita