thalapathy vijay’s bigil poster

Superstar Vijay iyo Director Atlee waxay horey u sameeyeen labada filim ee Big Hits-ka noqdeen Theri iyo Mersal markaana mar sedexaad ayay ku midoobeen mashruuca sida weyn loo wada sugaayay Bigil oo haatan tiyaatarada Koonfur Hindiya saaran.

Jilaayaasha filimkan: Vijay, Nayanthara, Jackie Shroff, Kathir iyo jilaayaal kale.

Director: Atltee

Waqtiga uu soconaayo: 2-saac & 59-daqiiqo

Fariinta filimka Bigil oo kooban: Rayappan (Vijay) oo tuug weyn oo laga dambeeyo laakiin Waqooyiga Madras nin wanaagsan ayaa loo yaqaan inuu yahay, wuxuuna adeegsadaa awood walbo sii dadka masaakiinta ah u difaaco laakiin sharciga ma xaq dhowro.

Wiilkiisa Michael Rayappan oo ku magac dheer Bigil (Vijay) waa cayaaryahan kubada cagta cayaaro oo heer sare ka gaaray laakiin daruufo noloshiisa u gaarka ah qabsanayaan awgeed xirfadiisa uu heerka sare ka gaaray wuu isaga tagaa si uu dadka u wacyi galiyo.

Dhinaca kale Bigil (Vijay) saaxiibkiis kubada cagta isla cayaari jireen oo ah tababare maamulo gabdhaha Tamil Nadu waxaa soo gaarayo dhaawac halis ah wuxuuna ka dalbanaa saaxiibkiis inuu masuuliyadan kale wareego.

Haddaba Bigil (Vijay) oo kubada cagta waa hore ugu dambeesay ayaa noqonaayo macalinka gabdhaha kubada cagta Tamil Nadu siduu ka gudbi doonaa caqabadaha horyaalo oo ah kooxdiisa inaysan dhan walbo ka diyaarsaneyn, dhaqaalo ku filan heesanin sidoo kalena caddowgooda badan yahay oo aan hormar loo ogoleyn?

Maxaa Laga Yiri Fariinta Filimka Bigil:

Director Atlee laguma gaaro fariimaha mada daalada iyo dareenka qiirada badan leh markaana si heer sare ah ayuu filimka Bigil u agaasimay kaliya waqtiga uu soconaayo oo dheer ayuu dhaliil ku leeyahay wuxuuna la imaaday sheeko la fahmi karo balse saameynteeda culus tahay.

Bandhiga Jilaayaasha: Superstar Vijay wuxuu la yimid fariin dhan walbo ka dheeli tiran isagana waa furaha dhaqaajiyay mashruucan xiisaha badan waa hubaal in taageerayaashiisa siweyn kaga heli doonaan xarakadaas iyo dareenka qiirada badan uu shaashada ka muujiyay xidigan oo markale gacanta ku dhigay mashruuc u cadaalad falay kartidiisa iyo shacbiyadiisa.

Muxuu Ku Wanaagsan Yahay Filimka Bigil:

Qaabka sheekada loo dhigay oo sahlan, fariin qiiro badan, Action iyo mowduuc waaqici ah.

Bandhiga Vijay oo Classic ah iyo labada door uu matalaayay oo kaa yaabin doonaan.

Muxuu Ku Liitaa Filimka Bigil:

Waqtiga uu soconaayo oo aad u dheer 2-saac & 59-daqiiqo waxaa fiicneyd in ugu yaraan nusaac laga dhimo si mashruucan saameyntiisa usii adkaato.

Muuqaalada kubada cagta oo loo maleeyo Playstation ama Game-ka gacanta laga cayaaro waxaa fiicneyd in la tayeeyo qaabka loo agaasimay cayaarta kubada cagta hablaha iyo ragga.

Qiimeynta Sheekada Filimkan: 3/5 (Sedex xidig)

Gunaanad: Bigil waa filim dheeli tiran oo hubaal ahaan daawadayaasha ka heli doonaan waxaana la dhihi karaa Vijay iyo Director Atlee feestada Diwali markale filim masraxa qabsan doono ayay la imaadeen. Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka Bigil:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here