Sheekada Filimka Chhapaak: Deepika abaal marin walba ayee mudantahay daawadayaashana wey ka oohin doontaa!!

0
1296

Hordhac:

Dalka India iyo daafaha caalamka qarnigaan cusub waxaa kusoo badanaayey gumaadka iyo weerarka wax lagu weeraro aashitada wajiga gubta taaso wajiga qofka gabi ahaanba baabi’sa sikasto u dadaalana qofkaas quruxda wajigiisa aysan usoo noqon karin hadaba Bollywoodka marar badan waxay isku dayeen inee Filim ka sameyaan dhacdooyinka noocaas ah si dadka ugu waanno qaataan.

Balse guud ahaan mashaariicdii laga sameeyay ma aysan noqon kuwa taariikhda galaan India oodhana gaaraan ganacsi wacana sameyaan sababto ah daawadayaasha masoo dhaweynin hadaba gabadha Filimada sameysa Meghana Gulzar ayaa markaana la timid Filimka CHHAPAAK oo mowduucaas ka hadlaayo markale ma fashilmi doonaa Filimkaan sida kuwii hore mise taariikhda baal dahabi ayuu ka gali doonaa.?

Jilayaasha Filimka: Deepika Padukone, Vikrant Massey, Vishal Dahiya, Mashurjeet Sarghi iyo kuwa kale.

Director: Meghana Gulzar:

Fariinta Filimka oo kooban: mashruucan guud ahaantiisa waxuu ka hadlaa nolosha gabar wajiga aashito looga shubay sanadkoi 2005 waana Laxmi Aggarwal hadaba Deepika ayaa doorkaas jileyso Malti (Deepika Padukone) waa gabar 19 jir ah ardayad na ah waxaana wajiga looga shubaa aashito iyadoo wadada Delhi socoto sanadka 2005 kadibna Isbitaal ayaa loo qaadaa dhaqaatiirta siwalbe ugu dadaalaan wey ku guuldareysanayaan quruxda wajigeeda iney soo celiyaan.

Malti (Deepika) dunida ayaa ka hoe imaaneyso marke muraayada hortagto misane aragto wajigeeda oo gubtay ciilkii aduunka iyo qaraacan ayaa kudhacaayo kadibna Police-ka ayee usheege labada qof ee wajiga aashitada kaga shubeen oo kala ah Basheer Shaikh Aka Babbu (Vishal Dahiya) iyo walaashed Parveen.

Police-ka ayaa soo xirayaan labadoodaba waliba Babbu waxuu qirana in asiga aashito ku weeraray gabadha waliba asigo qoyska Malti (Deepika) aad ugu dhowaa aqoona ka dhaxeyso sido kalena isbitaalka markii la keenayay wuu la jiray arinta maxkamad ayee gaaree si Malti (Deepika) xaqeeda loogu dhiciyo balse qareenka Malti udoodaayey Archana Bajaj (Madhuurjeet Sarghi) wey ku guuldareysane in dambiilaha dambigiisa cadeyso iyada ayuuna sharciga ciqaaba maadama Babbu maxkamada fasaxeyso wax dambi ahna lagu weynaayo.

Malti (Deepika) inee xaqeeda hesho marnaba kama niyad jabeyso dagaalka bartiisa ayee kawadeysa ayadoo dacwado kale fureyso dhanka kale nolosha kama niyad jabeyso qoyskeeda iyo saaxiibked Vikrant Massey ayaa caawinayaan waxa xiga waa sidee Deepika ku guuleysane kiiskan iyo nolosheeda caadiga ahba waana waxa qeybta dambe loo daawan doono.

Maxaa laga yiri sheekada Filimka: Director Meghana Gulzar shaqo qurux badan ayee horey usoo qabatay maadama Talvar iyo Raazi oo sheekadooda liiteen ay iyada qurxisay hab macaana isugu xirtay balse Chhapaak ammaanti hore mid lamid ah kuma heli doonto maadama meelo badan ay dayacday isku xir ahaan waxaana wanaagsaned inee adkeyso dul duleelka yaryar.

Maxuu ku wanaagsanyahay Chhapaak: fariinta oo xasaasi ah, bandhiga Deepika, oraahda la adeegsanaayo iyo filimkaan oo kaa qiireysiin doono.

Maxuu ku liitaa mashruuca: iskuxirka Filimka ma dhameestiena meelo qaar habacsanaan ayaa ka muuqata, Meghana oo mashruucan u hagar bixin, 15 daqiiqo ugu horeyso waa mid ku caajis galinaayo.

Bandhiga Jilayaasha: inaba caadi ma ahan Deepika sidee ugu hagar baxday Filimkaan bandhig ahaan abaal marin walba ayee mudantahay xidigtaan mar wey kaa oohin doontaa marna wey kaa qoslin doontaa waana mid ay ku faani doonto Filimkaan in badan.

Vikrant Massey doorkiisa waa dhex dhexaad waana wanaagsan yahay balse Deepika ayaa hareereysay ileen sheekada Filimka oodhan ayaduu kusocdaa jilayaasha inta kale ee shaashada kasoo muuqdeen mid walba doorkiisa waakasoo dhalaalay.

Qiimeynta Sheekada Filimka Chhapaak: 3/5 (Seddex xidig ayaa laga siiyay qiimeyn ahaan 5 xidig ee sheekada Filimka lagu qiimeeyo) taasi oo kadhigan in sheekadiisa wanaagsantahay dhanka hadal heyntana waa heer sare sida dadka u hadal hayaan.

Gunaanud: Chhapaak waa filim looga hadlaayo dhacdo nolosha rasmiga ah dhacday balse mashruucan waxuu ka gadmi doonaa magaalooyinka waaweyn fagta horena tiyaataro badan maheli doono maadama labo Filim kale oo waaweyn masraxa la saaran yihiin nasiib wacan kooxda Chhapaak.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here