Hordhaca: Inta badan dhalinta marka ay ku jiraan xiliga Kuleej-ka waxay u tahay waqtigooda ugu wanaagsan madaama ay heestaan saaxiibo badan iyo waqti ku filan laakiin sidaas oo ay tahay waxaa ku hareereesan su’aalo ku aadan mustaqbalkooda maxay qaban doonaan ama noqon doonaan sidaa darteed Director Nitesh Tiwari wuxuu la yimid fariin dhinacyadaas taabaneyso kuna soo bandhigaayo filimkiisa Chhichhore waxaana lagu xasuustaa filim sameeyahan qaabkii wacneyd uu u agaasimay filimkii Classic ahaa Dangal (2016).

Jilaayaasha filimkan: Sushant Singh Rajput, Shraddha Kapoor, Varun Sharma, Prateik Babbar, Tahir Raj Bhasin, Naveen Polishetty, Tushar Pandey, Saharsh Kumar.

Director: Nitesh Tiwari

Waqtiga uu soconaayo: 2-saac & 26-daqiiqo

Fariinta Chhichhore Oo Kooban: Waa fariin ka hadleyso saaxiibo nolosha marka hore ku fashilmeen kadib markii ay nolosha cashar ka bartaan dib u midoobayaan 10-naan sano kadib. Annirudh Pathak aka Anni (Sushant Singh Rajput) waa nin dabaqada dhexe ku nool kana soo jeedo Mumbai waxaana la nool wiilkiisa Raghav (Mohammad Samad) kadib markii xaaskiisa Maya (Shraddha Kapoor) ay kala tageen.

Raghav (Mohammad Samad) waxaa saaran cadaadis aan caadi ahayn madaama laga rabo imtixinaadka inuu galo si uu Injineer u noqdo madaama labadiisa waalid xiligii imtixaanaadkoodii buundo aad u sareyso ku baaseen sidaa darteed Raghav waxaa saaran cadaadis weyn sida uu magaca waaliidkiisa u ilaaliyo. Laakiin Raghav aabihiis wuxuu qabaa Anni (Sushant) wuxuu qabaa kalsooni ah wiilkiisa imtixaanaadka inuu ka gudbi doono laakiin nasiib daro Raghav imtixaanaadkii wuu ku dhacaa.

Sidaa darteed Raghav (Mohammad Samad) wiilkii yaraa oo ka cabsanaa in lagu tilmaamo mid nolosha ku guul dareestay asigoo niyad jabsan ayuu isku dayaa inuu is dilo wuxuuna iska soo tuuraa meel sare balse nasiib daro ma dhimanaayo ee dhaawac halis ah ayaa gaarayo sidoo kalena dhaqtarkiisa Dr Kasbekar (Shishir Sharma) wuxuu dhawaajinaa in wiilkan fursada uu kusii noolaan karo aad u yar tahay. Aabo Anni (Sushant) oo aad u niyad jabsan wax uu sameeyana ma garan karo balse wuxuu ku fikiraa wiilkiisa bukaanka ah ee sariirta jiifo inuu kaga sheekeeyo noloshiisii marxaladaha ay soo martay iyo markii uu ahaan jiray arday Injineer barto oo dhigan jiray National College of Technology oo Mumbai ku yaalo.

Anni wuxuu wiilkiisa kaga sheekeynaa inuu kuleej-ka ka daganaa Hostel-ka 4-aad ee loo yaqaanay ardayda ku noolaayeen “Kuwii nolosha iyo waxbarashada ku fashilmeen”. Anni marka hore H4 inuu ku noolaado dhib ayay ku ahayd balse markii dambe saaxiibadiisa wey is fahmayaan sida Gurmeet Singh Dhillon aka Sexa (Varun Sharma), Acid (Navin Polishetty), Sundar aka Mummy (Tushar Pandey), Bevda (Saharsh Kumar Shukla) iyo Derek (Tahir Raj Bhasin).

Gabdhaha Injineer-nimada bartaan ayay aad u yar yihiin waxaana ugu caansan gabadha lagu magacaabo Maya (Shraddha Kapoor). Waxaa dhaceyso Anni inuu shukaansanayo Maya kadibna si dhaqsi ah ayay isku fahmayaan. Laakiin Anni iyo saaxiibadiisa waxaa kuleej-ka looga yaqaan kuwo fashilmeen oo aan waxba qabsan karin sababtoo ah waxay tahay ardayda Hostel-ka 4-aad ku nool sanad walbo tartamada kala duwan ee Kuleej-ka loo qabto wey ku guul dareestaan weliba 10-ka Hostel ee Kuleej-ka ardayda loo kala qeybiyo dagan yihiin tartan walbo oo loo qabto Hostel-ka 4-aad ayaa ugu hooseeyo.

Kuleej-ka waxaa ugu awood badan Raggie (Prateik Babbar) oo qaybta Hostel 3 ku nool wuxuuna rabaa tartan walbo oo cayaaraha kala duwan in H3 ku guuleestaan sidaa darteed Anni (Sushant) oo ku wanaagsan kubada koleyga wuxuu u bandhigaa inuu H3 kusoo biiro laakiin wuu ka diidaa waxaana dhexdooda ka bilaabanayo qilaaf xoogan. Sidaa darteed Anni wuxuu go’aan ku gaaraa saaxiibadiisa H4 ee magaca guuldarada ku caan baxeen inuu magacaas ka reebo tartanka sanadlaha ahna ku guuleestaan waana xujo adag balse ay ka go’an tahay inuu sameeyo.

Dhinaca kale Anni wiilkiisa Raghav marwalbo sheekada waayihii kuleej-ka aabihiis kaga sheekeeyo xaaladiisa wey soo hagaageysaa. Sidaa darteed filimkan qaybihiisa dambe waxaa loo daawan doonaa Anni oo ka sheekanayo sida magacii kuwa guuldarada ku caan baxeen uga haraayo H4 iyo wiilkiisa xaalad ahaan sida uu kusoo kabanaayo iyo doorka Maya ka qaadan doonto nolosha bad baadinta wiilkeeda iyo noloshii hore doorka ay ku laheyd Anni inuu dhameesto waxbarashadiisa asigoo sharaf iyo sumcad ku leh kuleej-kiisii.

Maxaa Laga Yiri Fariinta Filimkan: Waxaa amaan weyn mudan Nitesh Tiwari, Piyush Gupta iyo Nikhil Mehrotra qaabka ay sheekada filimkan u qoreen sababtoo ah waa hanaan qof walbo fahmi karo hab mada daalo, hab waaqici ah iyo hab qiiro badan loo dhigan waana sedexda arin ee filim laga daawado.

Marka aan si gaar ah kaga hadalno qaabka uu Director Nitesh Tiwari filimkan u agaasimay waa mid heer sare ah waxaana cajiib badan sida uu fariin ahaan isugu dhex wado ka sheekeynta mustaqbalka laga soo gudbay iyo waqtigaan la joogo iyo qaabka dhamaadka filimkan loo dhigay waa mid qofkii daawado marnaba hilmaami doonin.

Bandhiga Jilaayaasha: Qof kasto oo fursad loo siiyay inuu filimkan kasoo muuqdo doorkiisa waa heer sare. Sushant Singh Rajput doorkiisa ma ahan mid atoorenimo ama geesinimo ka muuqato waa door aad u saameyn badan si gaar ah doorkiisa aabonimo waa heer sare ah waxaaba kasii daran marka uu ardayga ahaana sida wacan uu filimkan kaga baxsanaayo labada waji ee kala duwan. Shraddha Kapoor kaalinteeda waa mid wanaagsan laakiin doorkeeda ma ahan mid weyn waxaa ka saameyn badan Sushant sidoo kalena qaybaha ugu muhiimsan filimkan kama soo muuqaneyso. Sidoo kalena jaceylka iyada iyo Sushant waqtiga la siiyay waa mid aan si adag loo diyaariyay sidoo kalena muuqaalka qof weyn marka laga dhigay kuma haboono.

Varun Sharma doorkiisa filimkan daawadayaasha wey ka heli doonaan mada daalo ahaan iyo bandhig ahaan waxaa kaloo xusid mudan  Prateik Babbar doorkiisa xumaanta inuu yahay mid saameyn badan oo isagana daawadayaasha ka heli doonaan sidoo kalena dhamaan jilaayaasha kale ee kasoo muuqdeen filimkan mid walbo kaalintiisa ayuu qaatay.

Muxuu Ku Wanaagsan Yahay Filimka CHHICHHORE:

Qaabka sheekada loo dhigay oo qof walbo fahmi karo iyo fariintiisa inay tahay mid dhalinta cashar ka qaadan karaan inuusan jirin qof Loser ah ama nolosha ka hari karo wax walbo dadaal u baahan yihiin.

Bandhiga jilaayaasha gaar ahaan Sushant Singh Rajput sida uu filimkan u jilay iyo agaasinka Director Nitesh Tiwari oo heer sare ah.

Muxuu Ku Liitaa Filimka CHHICHHORE:

Halka saac dambe waxaa ku jiraan qaybo caajis badan oo sheekada dib u dhigayaan.

Muusig heer sare ah malahan filimkan madaama fariintiisa Kuleej tahay waxaa fiicneyd in heesihiisa siweyn u hirgalaan.

Halka saac hore iyo sida uu ku dhamaanayo filimkan si heer sare ah ayaa loo agaasimay dhan walbo.

Qiimeynta Sheekada Filimkan: 3.5/5 (Sedex xidig iyo bar)

Gunaanad: CHHICHHORE waa filim fariin waaqici ah xambaarsan sidoo kalena mada daalo dhameestiran leh cashar wanaagsana laga baran karo. Dhanka Boxoffice-ka markii aan eegno mashruucan waa mid reer magaalka loogu tala galay oo aan hadal heyn xoogan xambaarsaneyn sidaa darteed fariintiisa wacan ayuu isku haleen doonaa inay isku sheeg sheegaan dadka magaalooyinka hormarsan ku nool si ay ugu soo daawasho tagaan maal maha sabtiga iyo axada oo ay firaaqo wacan heestaan balse fagta hore wey adag tahay inuu wacdaro dhigo. Nasiib wacan ayaan leenahay Sushant iyo Shraddha filimkooda fariinta wanaagsan xambaarsan.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka CHHICHHORE ee qof walbo siweyn u amaanayo fariintiisa dhiiri galinta ah ee ardayda sida weyn u anafaceyso:

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here