Hordhac:

Waayihii fanka hindiya ee Salman Khan wax badan ayaa iska bedelay markuu la yimid Filimkii Wanted (2009) balse waxuu awooda fanka hindiya kula wareegay Super star-nimadiisa banaanka kusoo dhigay Dabangg (2010) dhamaaan daawadayaasha badankooda ayaana ka heleen mashruucan.

Waxaa u xigay Dabangg 2 (2012) oo uu markale ku gil gilay gudaha India oo dhan kuna qabsaday doorkiisa Chulbul Panday hadaba 7 sano kadib Salman iyo walaalkiis Arbaas waxay la yimaadeen taxanaha qeybtiisa seddexaad (Dabangg 3).

Arinka xiisaha leh ayaa ah inuu Director ka yahay Prabhudheva oo Salman 2009 u sameeayay Wanted waayihii Sallu ee fanka hindiyana wax badan ka bedelay hadaba suaasha waxay tahay Dabangg 3 markale hindiya ma qabsan doonaa sida qeybihii hore midaas waxaa ka jawaabi doonaan oona xukmin doonaan daawadayaasha.

Hoos kaga bogo sheekada Filimka Dabangg 3 oo kooban, bandhiga jilayaasha iyo xidigaha uu helay mashrucan:

Filimkaan waxuu ku bilaawana sheekadiisa oodhana ay ka hadlee nolosha askariga dabciga xun ee Chulbul Panday (Salman Khan) kaaso loo soo bedelaayo tuulada Tundla markuu halkaas imaado waxuu gacanta ku dhigaa burcadka weyn ee Guddu (Nawab Shah) oo fal dambiyeed ku jira.

Balse dib dambe waxuu Chulbul (Salman) ka ogaana in ninkaan uu u shaqeeyo hogaamiyaha ugu weyn Mafia-yada oodhan Balli Singh (Kichcha Sudeep) arinkaas waxay Shock iyo naxdin tii u weyned ku noqonee Chulbul (Salman) waxaana indhihiisa hor imaanayaan noloshiisa hore iyo xusuus hore oo halkaas nalooga sheekeynaayo qaabkii Chulbul Panday askariga ku noqday iyo waxa dhexmaray isaga iyo laadarka filimka ugu weyn Balli Singh (Kichcha Sudeep).

Chulbul kahor inta uusan askariga noqonin waxaa la oran jiray Dhaakar waxuuna barana oo uu jaceyl u qaadaa Khushi (Salee M Manjrekar) taaso u doodan ama loogu talo galay in loo guuriyo Dhaakar walaalkiisa ka yar ee Makkhi (Arbaas Khan).

Si kastee ahaataba Dhaakar waxuu jaceyl ka keensana oo uu qalbiga ka xadaa quruxleydan weyna isfahmayaan reerkana wey isku ogolanayaan halkii Makkhi lagu dari lahaa waxaa la isku afgarana in la isku guuriyo labada isjecel wax walbo sidii loogu talo galay ayagoo usocdaa waxaa halmar soo dhex galaayo Balli Singh (Kichcha Sudeep).

Balli waxuu jeclaana Khushi balse markuu ogaado inee si waali ah u jeceshahay Dhaakar (Salman) wuu dilaa iyada iyo waalidkedaba waliba Dhaakar (Salman) hortiisa ayuu kudilaa gabadhaas iyo reerkeeda isagoo dambiga dusha ka saarayo Dhaakar sidaas ayaana lagu xiraa wiilkii laga dilay gabadhuu jeclaa.

Dhaakar (Salman) waxuu xabsiga kudhex baranaa Askariga qalbiga dahabiga ah leh ee Satyendra Singh (Sharat Saxena) kaaso Dhaakar (Salman) ku dhiiro galinaayo inuu askari noqdo magaca Chulbul Panday na la baxo ugu dambeyn Dhaakar waxuu isku bedelaa Chulbul Panday waliba gacalisadiisa Khushi aawged ayuu askari u noqonaa si uu kaga aar goosto Tuuga weyn ee Balli (Sudeep) kaaso awood weyn leh xitaa Police-ka isaga ka amar qaataan.

Markuu askari noqdo talaabada kowaad waxuu ku weerara Bali waxuuna u maleynaa inuu geeriyooday kadib xasuusta iyo sheekada halkaas ayee ku dhamaane waxaana dib naloogu celina markuu Chulbul (Salman) naxsanaa isagoo la yaaban sida Balli kusoo noolaaday inuu dhintay ayuna u heestay hadaba qeybaha dambe waxaa loo daawan doonaa maxaa dhexmari doono Chulbul iyo Balli.

Maxuu ku fiican yahay filimka: Bandhiga Salman oo heer sare ah wax walbana ku ilaawsiinaayo, muuqaalda dagaalka Salman iyo Sudeep dhexmaraayo, jaceylka dhexmaraayo Salman iyo atiriishada filmkaan lagu soo caan bixinaayo ee Salee.

Maxuu ku liitaa filimkaan: Director Prabhudheva habacsanaan ayaa ka muuqata qaabkuu isugu xiray sheekada muuqaalada qaar inuu wax cusub kusoo kordhiyo ayuu iskudayey wuuna ku guul dareestay, doorka Balli Singh oo sifiican u adkeen iyo hadalada filmkaan oo xiiso weyn lahen iy waliba heesaha ayaa lagu badiyay mashruucan taaso dheereysay waqtiga uu soconayo filimka.

Bandhiga Jilayaasha: Inaba caadi ma ahan Salman Khan sida uu ugu farayeestay bandhig ahaan waana qofka kaliya ee aad u daawan doonto mashruucaan, xarakaad, dagaal xiiso leh, jaceyl, heeso shida dhan walba ayuu kaa madadaalin doonaa hubaal ahaan Dabangg 3 oo dhan waa Salman Khan.

Atiriishooyinka Filimkaan doorar fiican ayee ku leeyihiin sida Sonakshi Sinha iyo doorkeedii hore oo sidiisa ah cadad ahaan dhanka kale Kichchca Sudeep doorkiisa waa heer sare balse in sifiican loo adkeeyo ayee ahed.

Isku so wada duub sheekada filimkaan qiimeyn ahaan waxuu hela 3.5/5 (Seddex xiddig iyo bar) taasi oo ka dhigan in sheekadiisa wanaagsantahay khaladaadka yar yar ee farsama dhacayna Prabhudheva ayaa masuuliyadas dusha loo saariyay dhanka hadal heynta dadka waa mid sareyso oo waa lawada ammaanayaa mashruucan.

Gunaanud: Dabangg 3 waa taxano caan ah oo la daawanaayo xiliga fasaxa ciida masiixiga wuuna ka faaideysan doonaa ganacsi ahaan in badan inkastoo 3 maalmood ugu horeyso caqabado heesato oo India oodhan ayaa qasan dad badana tiyaatarada uma soo daawasho tagi doonaan.

Kanaalka Filimside Media ka daawo warar Update oo xiiso leh Subscribe na saaro:

Hoos ka daawo goos gooska Dabangg 3 hadii aadan horey u daawanin:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here